AQOONYAHAN KA DIGAY DHIBAATADA DHEELIGA DHAQAALE EE DALKA OO DHINAC U JANJEEDHA

0
384

​Cabdiqaadir Axmed Xasan (Kabaweyne) oo ka mida ah aqoonyahanka reer Somaliland ee ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa tabashooyin iyo saluug weyn ka muujiyey musuqmaasuq iyo takoor uu sheegay in ay ka jiraan habka saami qaybsiga deeqaha caalamiga ah ee gobolada Somaliland Isla markaana gobolka Sanaag laga duutiyey mashaariicda dhanka horumarinta iyo maalgelinta waxaa kaloo masuulkani uu tilmaan xoogan ka bixiyey tagrifal lagu sameeyey dhaqaalaha wadaaga ah ee ka dhexeeya reer somaliland oo qaab kooto ah luugu xidhay beel ka mida beelaha galbeedka hargeysa oo degaankooda yahay 45 km sq . Tabashada iyo qayla dhaanta hada ka soo yeedhay Aqooyahankan oo qoraalo hore oo tiro badan kaga hadlay xaalada dibudhaca gobolka sanaag ayaa soo ifbaxday kadib markii gobolka sanaag laga qadiyey mashaariicdii Bangiga aduunka ugu horumarinta talagalay shirkadaha ganacsatada qaybtii Somaliland Aqoonyahanka ayaa dhanka kale baaq u diray xukuumada Somaliland iyo wasaarda qorshaynta qaranka in ay isu dheeli tiraan gobolada iyo degaanada dalka si loogu ugu sinaado dhaqaalaha iyo fursadaha maalgelinta Somaliland isagoo si weyna uga digay in ay dalka ka abuurmaan dabaqado bulshooyin kala sareeya kuwaasoo lagu kala horeysiinayo dhaqaalaha wadaaga ah ee la musuqmaasaqayo Ugu danbayntiina wuxuu fariin baraarujin ah u diray shacbiga, aqoonyahanka iyo indheergaradka reer sanaag in ay ka hadlaan xaalada uu gobolku marayo, loona baahan yahay raadinta xal rasmiya oo danta bulshadu ku jirto, kaasoo la rabo inuu ku yimaado ficil ahaan iyo qawl ahaanba si miciin iyo maradhaamo loogu helo duruufaha ka jira gobolka sanaag