“Aqoonyahanku Haduu Reerkiisa Daba Fadhiisto ,Maxaan Cunaana U Nolaado Aqoonyahan Maaha Ee……”Sh.Mustafe Haaruun.

0
489

“Aqoonyahanku Haduu Reerkiisa Daba Fadhiisto ,Maxaan Cunaana U Nolaado Aqoonyahan Maaha Ee……”Sh.Mustafe Haaruun.

Hargaysa(Warsugannews)-Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun oo ka mida shuyuukhda ugu caansan gayiga somalida iyo guud ahaan dunida ayaa habeenkii xalay muxaadiro quluubta bulshada qoysay ka jeediayay Hotel Guuleed ee Magaalada Haragaysa .

Sheekha ayaa khudbadiisu dhinacyo badan taabanaysay waxanu tafaasiil ka bixiyay qofka loo nisbayn karo magaca Aqoonyahan oo uu sheekhu ku nuux nuuxsaday ,wxanu sheekhu yidhi isagoo fasiraya magaca aqoonyahan “Aqoonyahan qofku haduu reerkiisa daba fadhiisto aqoon yahan maaha ,hadii dhaqankiisu cabsi galiyo oo uu badali kari waayo aqoon yahan maaha ,haduu maskaxda ka xoroobi waayo aqoon yahan maaha ,hadii calooshiisu aqoontiisa hagto oo uu maxaan cunaa u noolaadana aqoon yahan maaha ee magac kale haloo raadiyo ”ayuu yidhi Sh.Mustafe X.Ismaacil Haaruun.
Dhagaha bulshada ayay ku badatay ashkhaas aqoonyahano sheeganaya balse la darisa inta shiikhu ka dhawaajiyay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here