Aradayda Wax Kabarata Jaamacada Hargaysa Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Lacag Ribbo Ah Oo La Dul Saaray Iyo Fariin Culus Oo ay U direen Wasiirka Waxbarashada

0
533

qaar kamida ardayda dhigata jaamacada hargaysa ayaa walaac xoogan ka muujiyay lacag ay sheegeen in ay ribo tahay oo maamulka sare ee jaamacada hargaysi dul saartay lacagtii fiiga ahayd ee ardaygu bixinaayay.

 

lacagtan ardayda la dul saaray ayaa ah 30$ sida ay sheegeen qaar ka mida ardayda wax ka barata jaamacada hargaysa oo waraysi gaara sii naayay shabakada wararka ee muuqaalnews, taas oo ay ardaydu sheegeen in ay lacagtaasi culays badan ku tahay iyaga misana qaarkood aanay awoodayn in ay bixiyaan lacagta aan xaqa loogu lahayn.

dhanka kale ardaydaasi ayaa sheegay in ay culays badan ku tahay in ay 30$ uga hadhaan jaamacadooda oo ay sanado dadaal iyo juhdi badan ugu jireen sidii ay uga midho dhalin lahaayeen.

sidoo kale ardayda ayaa fariin dheer u diray wasiirka waxbarashada cabdilaahi habane iyagoo oo sheegay in uu arin tan wax ka qabto

 

mar ay shabakada wararka ee muuqaalnews ay wax ka waydiisay ardaydaasi ardaydaasi in ay codsi u gudbiyeen maamulka jaamacada si ay uga cudur daartaan lacagtaasi, ayaa waxa ay sheegeen in marar badan ay isku dayeen hase yeeshee ay maamulka jaamacadu ku gacan say dheen arintaasi.

hadaba lacagtan ribada ah ee jaamacada hargaysi dul saarayso ardayda wax ka barata islla jaamacada ayaa sanadihii u danbaysay isa soo taraysay iyadoo ay cabashada ardayduna marba marka ka danbaysa ay hawada isku sii shareerayso