Arrimaha Garta lagu waayo W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
429

Arrimaha Garta lagu waayo
W/Q: Cali Cabdi Coomay

Guud ahaan Gartu waa laba nooc:
1. Gar xeer-beegti
2. Gar cadaawe
1. Gar xeer-beegti: waa waxay u kala u kala baxaysaa afar.
a) Duco
b) Didiif
c) Dawi
d) Maluug

Siyaabaha Garta loo bilaabo
Garta marka la bilaabayo ee la soo wada fadhiisto goobta gartu ka dhacayso, guddiga garta qaadaysaa waxay marka hore su’aal weydiiyaan ninka muduciga ah( ka wax tirsanaya), waxaan lagu odhanayaa “ ma adigaa wax tirsanaya” haa markuu yidhaa, waxa hadana la weydiinayaa “ ma ka samraysaa waxa aad tirsanayso amma ma u dulqaadanaysaa” ka dib maya haddii uu yidhaa, waxa loo gud-bayaa ninka dhinaca madaacalayga(ka wax loo tirsanayo), waxaana la weydiinayaa” waxa laguu sheeganayo garaw ma ka haysaa amma ma ka bixinaysaa”.

Maya haddii uu yidhaa, muduciga ayaa xagiisa la eegayaa, waxaana la weydiinayaa” garaw laguuma hayee, gar ceeble ma marsanaysaa”. Haa ayuu odhanayaa. Ka dibna madaacalayga ayaa lagu odhanayaa” waxa laguu sheeganayo ma-ka-jid-baxaysaa”, haa markuu yidhaa, waxa nin walba la weydiinayaa, iyadoo muduciga lagu horaysiinayo. “ xidhahaagii ma wadataa”, haa marka uu yidhaa waxa lagu odhanayaa bilow hadalka oo gartaada akhriso.

Ka dib muducigu waxa uu hadalka ku bilaabayaa, isagoo eegaya ninka wax loo sheeganayo, ayuu su’aalay” wax garaw ma ii haysa”, maya haddii uu yidhaa wuxuu hadana weydiinayaa” haddii aynu gar-adag is-marino oo aan waxayga gar kaaga helo ma qabtaa wixii aan kugu yeesho”., madaacalayga ayaa isna, haa ka dibna muduciga ayaa odhanaya” haddii aan kugu helo waxaa aan kuu sheeganayo goobta garta ayaad igu siinaysaa, oo igalama kacaysid”. Ka dibna madaacalaygii ayaa odhanaya” wixii aad igu hesho waa iga bad-yaal waa ku siin isla goobta. Waxaynu ku wada hadlaynaana gole-joog ha noqdeen
Arrimaha Garta lagu waayo:
1. Af-waa (hadal-garanwaa)
2. Habrasho (dhiirasho la’aan)
3. Caddayn la’aan
4. In lagaa eexdo

=Af-waa (hadal-garanwaa): waa qofka oo garan waaya qaabka iyo hadalka uu ku sharaxayo doodiisa, markuu joogo goobta loogu garnaqayo qofkay is-hayaan. Guud ahaan dadku isku mid maaha waa tii la yidha” Ilaahayna la kala baryi og hadalkna la kala odhan og”. Maaha shay khasab ah inaad hadalka taqaano oo aad ku qarnaqsad weydo. Waxa hore u dhici jirtay qofkii aan hadalka aqoonini inuu soo kaxaysan jiray qof uu gartiisa u dhiibto oo soo wakiisho, una hadla. Nimanka garta qaadaya ayaa hubinaya inaad soo wakiilatay iyo in kale. Laakiin haddii aad garta gasho adigoon hadli karayn waa lagaa gar heli.

=Habrasho (dhiirasho la’aan): abuur ahaan waxa jira dad aan dhiiran markay wax sheegayaan. Waa arrin khatar ku ah qofka garnaqsanaya inuu muujiyo dhiirasho la’aan. Haddii uu hadalka iyo wixii uu tirsanayey si cad u soo bandhigi kari waayo, waxay taasi ku keenaysa in dadkii garta qaadayey kuu fahmaan qof aan wax weyn tirsanayn, oo wuxuu sheegayaa noqdaan arrin aan cuslayn. Dhinicii kaa soo horjeedayna wuxuu soo bandhigayaa dhiiranaan iyo hadallo cad oo uu ku xoojinayo gartiisa. Dhiirasho la’aanta waa lagu gar-waayaa.

=Caddayn la’aan: marka garta hoos loogu daadago amma gunta loogu dhaco, waxa la weydiiyaa kuwa is-haya inay soo bandhigaan wixii caddayn ah ee ay haystaan. Ka dib waxa la falanqaynayaa siday caddaymuhu u kala mihiimsan yihiin. Hadaba qofkii goobta keena caddaymo lagu qanco oo xoogan ayaa helaya garta. Haddii uu keeni waayo wax caddayn ahna, waa laga gacan sarayn doonaa.

=In lagaa eexdo: way dhacdaa in mararka qaarkood lagaa eexdo, oo lagagu jiifsado. Caddaaladdaradu way ka jirtaa meel kasta, qof kastana wuu la kulmi karaa in laga eexdo, isagoo garta leh. Eexdu waxay ku xidhan tahay cid garta qaadaysa, ee qofka laga eexda kuma xidhna. Markaa haddii lagaa eexdo waad ku gar waayi kartaa. Laakiin qofka laga eexay, waa inaanu ka hadhin intii awoodiisa ah, oo uu soo bandhigaa eexda lagula kacay, haddii aad ka hadho iyada oo lagaa eexday waad ku gar-waayeysaa

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan.
Calicoomay@hotmail.com

Tixraac:
C/salan Caaradhuub…………….Garta Dhaqanka