Arsenal oo ku dhaw dhamaystirka saxiixii ugu horeeyay ee suuqa janaayoArsenal oo ku dhaw dhamaystirka saxiixii ugu horeeyay ee suuqa janaayo

0
378

Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw dhamaystirka saxiixii ugu horeeyay ee suuqa janaayo sida ay sheegayaan wararka ka soo baxaya ingiriiska.

Arsenal ayaa ku sii dhawaanaysa ku dhawaaqista inay la soo wareegtay daafaca kooxda Hednesford Town ee Cohen Bramall kaas oo ah 20 jir.

Cohen Bramall ayaa la filayaa inuu ku biiro kooxda tababare Wenger 48-saac ee soo socota sida lagu daabacay Sky Sports.Tababare Wenger ayaa aad ula dhacay da’yarkaan ku fiican daafaca bidix, waxaana la sheegay in Arsenal ay kula soo wareegayso 40 kun oo Ginni.