Arsenal oo rikoor aan loo baahneyn ka sameysay Champions League-ga

0
824

Arsenal waxa ay noqotay kooxdii ugu horreeysay ee reer England oo goolal 200 ah looga dhaliyo Champions League-ga kaddib kolkii xalay lagu ciqaabay 5-1.

Gunners waxaa laba cad ka dhigtay kooxda Carlo Ancelotti ee Bayern Munich lugta hore ee Champions League-ga.

Arjen Robben ayaa hogaanka u dhiibay Bayern kahor inta uusan bar bareen Alexis Sanchez balse waa lagu da’ay wixii intaa xigay.