AS Roma Oo Kulankeedii Furitaanka Ee Horyaalka Tayaaniga Barbaro Kala Kulantay Kooxda Hellas Verona Iyo Ciyaartoydii Premeir Leaque-ga Ka Tagay Oo Roma Guul U Horseedi Kari Waayay

0
441

ooxda AS Roma ayaa kulankeedii xili ciyaareedka cusub ugu horeeyay ee ay ku furtay horyaalka Talyaaniga ayaa barbaro 1:1 ah kala kulantay kooxda Hellas Verona.

Roma ayaa kulankan ku soo shirtagtay ciyaartoy ay kala soo wareegtay kooxaha horyaalka Ingiriiska oo kala ah  Wojciech Szczesny, Edin Dzeko, Mohamed Salah iyo Gervinho, laakiin kooxda Rudi Garcia ayaaba ku sigatay inay guuldaro ku bilaabato xili ciyaareedka cusub.roma

Daqiqiiqadii 61 aad ayay kooxda Hellas Verona heshay goolka ay ciyaarta hogaanka ugu qabatay kadib markii uu goolkan udhaliyay Bosko Jankovic, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Verona hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Iyada oo ciyaartu dhamaad ku dhawdahay isla markaana ay shan daqiiqado oo kaliyi ka hadhsan tahay ayay Roma heshay goolkeeda barbaraha ee ay halka dhibic ku xaqiijisatay, waxaana goolkan udhaliyay xidigeeda Alessandro Florenzi kaas oo ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah.3

Eden Dzeko oo kulankiisii ugu horeeyay ee Serie A-da u saftay kooxdiisa cusub ee Roma ayaa kulankan ciyaaray 90 kii daqiiqo laakiin xidigii hore ee Man City ayaan awoodin inuu kooxdiisa cusub wax gool ah udhaliyo.Goolhaye Wojciech Szczesny oo ay Roma amaah kagala soo wareegtay Arsenal ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay wuxuuna kooxdiisa ka badbaadiyay fursado halis ahaa.

Roma ayaa xili ciyaareedkii hore ku dhamaysatay kaalinta labaad laakiin waxay 17 dhibcood ka danbaysay kooxda afarta jeer horyaalka Talyaaniga ku guulaysatay ee Juventus.Juventus ayaa xili ciyaareedkiis hanaad oo xidhiidh ah ugu cad cad inay ku guulaysato horyaalka Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here