Askarta Carabta ee ku nool Israel oo u dagaalamaya Israel

0
618

waaxa qoraya

Waa aroornimadii lama degaanka Negev, Maxamuud Kashua wuxuu tukanayaa salaada subaxnimo – qori ayaa agtiisa yaala. Maxamuud wuxuu kamid yahay Carabta Israel ee iskood ugu biiray ciidamada Israel.
“Waxaan isku arkaa Carab iyo Muslim laakiin sidoo kale inaan ka mid ahay waddankan,” Maxamuud ayaa sheegay isagoo ka nasanaya tababarka xerada. “Waa waddankeenii waana inaan gacan siinaa inta aan awoodno dowladda na ilaalisa.”
Lix bilood ayay laanta BBC ee carabiga ay fursad u heshay inay filin ka samayso Gadsar – oo ah qayb 500 oo askar Carab ah oo ka tirsan ciidanka Israel. Toban jibaar Carabta Israel ayaa ku soo biiraya ciidanka Israel ee IDF markii la barbar dhigo saddex sano ka hor.
“Ujeedadeenu waxay tahay inaan qorno inta aan awoodno ,” ayuu sheegay Col Wajdi Sarhan, oo madax u ah ciidanka Israel ee IDF qaybta dadka laga tirada badan yahay. “Waxaan leenahay dhowr boqol waxaana doonaynaa inaan laba jibaarno sanadka danbe”.
Labaatan boqolkiiba dadka reer Israel ayaa ah Carab laakiin 1% ayaa ka tirsan ciidamada.
Hanin Zoabi ayaa ah xildhibaan Carab ah ee Israel oo isku aragta inay tahay Falastiiniyad waxay aad u dhaleecaysaa dowladda.
“Qaybtan yar ee askarta ee ku jira ciidanka Israel oo u adeega Israel oo ka soo horjeeda dadkooda waxay og yihiin inay dhaafayaan xadka wadaninimada” ayay sheegtay
“Sagaashan boqolkiiba Carabta ka tirsan ciidanka Israel kuma haystaan sinaan Israel. Israel uma baahna inay difaacaan, waa siyaasad- kala qaybi kadibna u tali. ”
‘Ka tirsanaanta ciidanka Israel’
Dokumentariga BBC ayaa la socday Gadsar markay ka mid noqotay qaybtii ugu horaysay ee ciidanka oo Carab ah oo ka howlgala dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, oo ay degan yihiin 1.7 milyan oo Falastiiniyiin ah.
Waa waqti ay xiisad jirto, snadkii hore 37 reer Israel ayaa lagu dilay weeraro la isticmaalay mindi, xabad iyo baabuur oo ay qaadeen Falastiiniyiin ama Carab reer