Atalanta oo 15m ku soo diiday bartilmaameedkii Chelsea

0
347

Atalanta waxa ay diiday dalab £15 million oo ay Everton ka gudbisay bartilmaameedkii Chelsea Franck Kessie, sida ay qabto The Guardian.

Kooxda reer Italia waxa ay doonayaan in ay haystaan 20 jirka, kaas oo dhaliyey lix gool ololahan.

Qiimaha ay ku doonayaa ayaa lagu sheegay £34m.

Chelsea waxa ay sheegtay in ay bixineyso £21m bishii December waxa ayna dalab kale ka gudbin doontaa bishan Janaayo.