Atletico Madrid Oo Faro Cididood Kaga Baxsatay Valencia

0
358

Atletico Madrid Oo Faro Cididood Kaga Baxsatay Valencia

Hargeysa(Warsugannews)Kooxda Atletico Madrid ayaa cagta cagta u saartay oo ku daba naban kooxaha hogaaminaya horyaalka La Liga kadib markii ay guul ka gaadhay kulankii Valencia martida ugu ahayd garoonka Estadio Vicente Calderon habeenimadii Axada.

Jackson Martinez iyo Yannick Ferreira-Carrasco laba gool oo ay u kala dhaliyeen qaybtii hore ee ciyaarta ayaa u saamaxay naadiga tababare Diego Simeone inay laba dhibcood oo kaliya ka dambeyso labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona oo figta sare isla fadhiya.

20 kii daqiiqo ee ugu dambeeyey ciyaartu wuxuu ahaa mid naxdin iyo wer wer ku ahaa naadiga martida loo yahay, kadib markii daqiiqadii 72 aad uu gool rigoodhe ah u soo celiyey Valencia laacibka Paco Alcacer wixii ka dambeeyeyna ahaa yaa naga dhameeya ciyaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here