Atletico Madrid oo kulan saaxiibtinimo ku soo ciyaaraysa Sucuudiga

0
558

waaxa qoreya yaasir br

Naadiga kubadda Cagta Atletico Madrid ee Waddanka Spain ayaa shaaca ka qaaday in ay kulan saaxiibtinimo Sucuudiga kula soo ciyaari doonaan kooxda Al-Ittihad ee ka mid ah kooxaha ugu ad adag Horyaalka Sucuudiga.

Kulankan ayaa 30 Bisha soo socota ee December ka dhici doona garoonka King Abdullah ee qaadkiisu yahay 62,000  Taageere, waxaana ciyaartan ay ku soo aadaysaa dabaal degga sanad guuradii 90′ markii la aas aasay kooxda Al-Ittihad 1927.

Simeone iyo ciyaartoydiisa ayaa iyagoo ka faa’iideysanaya fasaxa sanadka cusub waxa ay gali doonaan safarkaasi fog inkastoo ay ka soo heli doonaan dhaqaale xoog leh.