Axmed Muumin Seed Qurbejoog Golaha Dhexe WADDANI Ka Tirsan Kulan La Qaatay

0
641

Axmed Muumin Seed Qurbejoog Golaha Dhexe WADDANI Ka Tirsan Kulan La Qaatay
Hargeysa(Warsugan) Guddoomiye kuxigeenka xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ahna musharax madaxweyne xigeen Axmed Muumin Seed, ayaa shalay kulan qado ah la qaatay Qurbejoog dalka u yimid ka qayb galka shirka golaha dhexe ee Waddani oo dhawaan la filayo inuu Hargeysa ka qabsoomo.

Kulankiisan oo qayb ka ah ololaha loolanka loogu jiro hanashada musharaxa madaxweyne kuxigeenka waxaa ka qayb galay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Aadan Axmed, wasiirkii hore ee xidhiidhka goleyaasha, Cali Cabdi Saa’iq wasiir kuxigeenkii hawlaha guud, Muumin Gadiid oo hore maayar uga noqday Boorama, Eng Cabdixakiim Cabdillaahi iyo Cabdiweyne oo ka mid ah saraakiisha xisbiga Waddani, waxaanay muujiyeen taageeradooda musharaxnimada Muumin Seed.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Waddani u qaabilsan waddanka Iswisarlan(Switzerland), Mawliid Cilmi Axmed(Seef) oo ka mid ahaa qurbejoogta kulanka la qaatay musharax Axmed Muumin Seed ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, islamarkaana muujiyay taageerada uu u hayo musharax Axmed Muumin Seed. Waxa uu sheegay inuu u qalmo jagada uu u orday, islamarkaana uu xaq u leeyahay maadaama uu dadaal badan soo galiyay xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

Axmed Muumin Seed ayaa isna farriintiisa ku aadan hammigiisa musharaxnimo madasha ka jeediyay, islamarkaana u qaddimay sida uu codkooda ugu baahan yahay marka la gaadho shirka golaha dhexe ee Waddani oo lagu dooranayo musharaxa iyo kuxigeenka madaxtinimo. Axmed Muumin Seed ayaa ka mid ah saasaaseyaasha xisbiga Waddani, islamarkaana tacab badan soo galiyay intii uu musharaxa ahaa. Waxa hadda jagadaasi kula tartamaya siyaasiyiin qurbaha ka yimid oo ay isku gobol ka soo jeedaan,kuwaasi oo hunguraynaya madaxweyne xigeenka Waddani. Waxa uu muddooyinkii u dambeeyay kulamo la lahaa xubnaha golaha dhexe ee Waddani ee dalka gudihiisa ku sugan, iyadoo dhaqdhaqaaqyadiisa cod raadineed laga dareemayay Awdal, Hargeysa iyo gobollada bari qaarkood.
Xigasho Wargeyska Warsugan