BAAQ SHARCI IYO BOGAADIN MADAXWEYNE

0
702

BAAQ SHARCI IYO BOGAADIN MADAXWEYNE
Garyaqaan- Xuseen Belel Oo Fasiray Go’aankii Maxakamadaha Hoose Lagaga Madax-banneeyey Wasaaradda Caddaallada Oo Hore U Maamuli Jirtay

Ujeeddo: – Hambalyo Madaxwaynaha JSL Muddane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
“Annagoo Ah xafiiska Horn legal consulting and services waxaanu hambalyo u diraynaa madaxwaynaha jsl muddane Axmed M M Siilaanyo go,aankii uu ku hoose geeyay Miisaaniyadii maxkamadda hoose ku hoos geeyay Maxkamdda sare iyo inuu Magacii wasaaradda cadaaladda ka saaray khaladkii dastuuriga ahaa eek u jiray uu saxo.
Waa go,aan taariikhi ah oo lagu xasuusan doono Madaxwaynaha Jsl wax kale oo aan hamblyo u dirayaa Wasiirka wasaaradda Cadaaladda ee jsl Mudane Axmed Xuseen Cadare sida geesinimada leh ee uu uga qayb qaatay in miisaaniyadda maxkamadda hoose wasaaradiisa laga wareejiyo.
Go,aankaa madaxwaynuhu wuxuu xaqiijiyay in lagu dhaqmo dastuurka jsl Qodobka 37aad, Faqraddiisa 2aad iyo Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland
Iyo In laga bilaabo Sannad Miisaaniyadeedka 2017-ka, waxaa Wasaaradda Cadaaladda laga soo wareejiyey Maamulka iyo Miisanayada Maxkamadaha Hoose ee Dalka Iyo In magaca Wasaraaduna uu noqdo “Wasaarada Cadaaladda JSL”, sida uu dhigayo Qodobka 106aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.
Waxkale oo aan saxayaa in shaqaalaha maxkamadaha sida Kaaliyayaasha , Gaadhsiiyayaasha IWM ay yihiin shaqaale dawladeed oo waxa lagu maamulayaa xeerka shaqaalaha dawlada, waxaana si cad u qeexa QODOBKA 108aad ee Dastuurka jsl farqadiisa 1aad iyo qodobka 29 farqadiisa 2aad ee xeer lr 24/2003
Markaas shaqaalaha aan garsooryaasha ahayni waa shaqaale dawladeed waxay hoos tagayaan Hayada Shaqaalaha Dawlada sidoo kale, hadaba habka qorista kaaliyaasha iyo Gaadhsiiyayasha maxkamdaha hoose markay baahiyi timaado gudoomiyayaasha maxkadaha rafcaankanada ayaa wasiirka wasaarada cadaalada u soo gudbinya wasaaradda cadaaladuna waxay u gudbinaysaa gudida hayda shaqaalaha Markaas inta Qodobkaasi aan la bedlin oo baarlamanka ansixinin wuxuu caqabad ku noqon doonaa la wareegista shaqaale hoosaadka maxkamdaha.

Hadba waxay taariikhada u galaysaa Prof Aadan X Cali Hambalyo Gudoomiye, Balse wax is waydiintu tahay Maxkamadu ma u diyaar garoobeen maamulka Mase dhiseen Qaabkii maamul ee ka bilaabmay Agàasime Guud oo maamulka iyo Lacagta ah oo Gudida cadaaladdu ansixiso iyo shaqaalihii waaxyaha maxkamdda sare iyo xeerkoodii?.
Waxaanu soo jeedinaynaa Gudoomiyaha Maxkamdda Sare iyo Guddida Caddaaladda
1. Garsoorayaashuna waxay u baahan yihiin xeer u gaar ah oo xuquuqdooda iyo hawlgabkoodba lagu qeexo Markaasi waa in loo sameeyaa.
2. Gudi madax-banaan oo kormeerka maxkamdda hoose iyo saraba samaysa halka imika ay ka yihiin Garsoorayaasha Maxkamdda sare iyagoo hadana ka mid ah Gudida Cadaalada taasina ay khald tahay wax kale oo sharci daro ah inay Garsoorayaal madaxwayne Magacaabay ay Mushahar ku qaataan kormeer iyo maxkamddaaha wareega iyagoo musharkii qaranku u qoondeeyay qaata waa Laba Mushahar(( mushaharka mashuurac UNDP iyo Mushaharkii dawlada)) taasina waa qayrul dastuuri, (confilict of interest) waa in la saxaa, shaqadaa kormeerka cid kale qabataa waayo shaqo laan baahsan ayaa ka jirta jsl.
3. Inay Garsoorayaashu Helaan Cadaalad oo culayska saran laga yareeyo, oo habka anshax marintoodu loo raaco xeerka nidaamka Garsoorka law lr 24/2003 iyo xeerka anshaxa iyo anshax marinta Garsoorka iyo ku xigeenka xeer ilaaliyaha Guud, waayo wax badan garsoorayaasha shaqda iskood uga tagaya ISCALIYA, iyo kuwo kale oo shaqdda laga caydhiyay iyadoon loo marin sida xeerku dhigayo.
4. Erayga shaqo ka saaris ee ay gudida cadaaladu u isticmasho garsooraha ay eryaan waa khalad garsooruhu maaha shaqaale, sharciyan waa inay isticmaalaan xilkaqaasi garsoore waayo xil qaran ayuu hayay oo uu waaxda garsoorka u hayay waxaanu leeyahay XASAANAD (immunity))
Madaxwayne taariikhada ayaa ku xusi doonta maadaamoo aad ku dhiiratay In la kala madax bannaaneeyo Waaxaha Qaranka, Waxaanu Madaxwaynaha jsl u soo jeedinaynaa
• In Garsoorka Miisaanida loo kordhiyo, dhismayaal cusubna maxkamadaha loo dhiso waayo ma jirto intii ay jirtay jsl xafiis ay dawlada u dhistay maxkamadaha dalka, iyo in la kordhiyo tiradda Garsoorayaasha Maxkamdda sare mar labaad waayo baahi badan ayaa jirta oo dacwado fara badan ayaa taagan loo Gobolada dalka looga soo Rafcaan Qaatay.
• In qodobka 29aad ee xeerka nidaamka garsoorka wax ka bedal lagu sameeyo si shaqaalaha maxkamadaha hoose habaka loo qoraanyo uu Gudoomiyaha Maxamada sare toos ugu qoro Hayada shaqaalaha halkan imika qodobkani uu sheegayo in wasaarada cadaaladu ay la xidhiidhayso Gudida hayada shaqaalaha jsl.
Gebo-gebaddii, waxay HORN Legal and Consulting Services ku bogaadineysaa Madaxweynaha, bahda garsoorka iyo Dadweynaha reer Somaliland guusha u soo hoyatey oo ah dhamestirka madaxbaanida Waaxda Garsoorka oo hirgashay.Bahwey nta HLCS diyaar ayey u tahay in ay ka qayb-qaadato horumarka iyo dib-u-habeynta hanaanka cadaaladeed ee dalkeena oo ah aasaaska horumarka nolosha dadkeena iyo hirgelinta Nidaam cadaaladeed oo lagu dhaqo (Rule of Law).
Garyaqaan- Xuseen M. Jamac (Belel)
Director of Horn Legal Consulting Service
husseinbalal@gmail.com