Badhaaabka Cusub Ee Gobolka Daad-Madheedh Oo Ka Daareen Caliyay Xilka Loo Magcaabay

0
532
Badhaaabka Cusub Ee Gobolka Daad-Madheedh Oo Ka Daareen Caliyay Xilka Loo Magcaabay

Hargeysa(Warsugannews)Badhasaabka Cusub ee loo magcaabay Gobolka Daad-Madheedh ee xaruntiisu tahay Oodweyne Dr. Axmed Naasir Maxamed Xaashi, ayaa ka dareen celiyay xilka loo magcaabay, wuxuuna uga mahad celiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka uu u magcaabay.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Daad-madheedh. Dr. Axmed, wuxuuna
isagoo ka hadlaya dareenkiisa xilka loo magcaabay mar ay khadka
isgaadhsiinta kula xidhiidhay shebekadda Araweelo News Network yidhi,"Waxaan uga mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka uu ii magcabaay markii uu ku arkay CV-gayga, isla markaana Aqoontayda iyo waaya-aragnimadayda ee ku qancay inaan hanan karo xilkaa, waxaana Ilaahay ka baryayaa inuu Xilka igu asturo".

Dr. Axmed Naasir, wuxuu sheegay inuu horeba u ahaa shaqaalle
Dawladeed, deegaanka loo magcaabayna uu yahay Gobol Balaadhan  oo Xoollaha iyo Beerahaba caan ku ah, isla markaana aanu ku cusbayn oo uu hore uga shaqeeyay aqoon fiicana u leeyahay, isagoo yidhi, "Marka horeba shaqaalle dawladeed ayaan ahaa, deegaanka lay magcaabayna waa deegaan Balaadhan oo Xoollaha iyo Beerraha caan kua ah, waana kasoo shaqeeyay oo iguma cusba" ayuu yidhi, Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Daad-madheedh.

Masuulkan cusub ee Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay Guddoomiyaha Gobolka, ayaa hore xilal uga soo qabtay wasaaradda Caafimaadka Somaliland, gaar ahaan Cusbitaalka TB Hospital, wuxuuna waqtigan ka mid ahaa saraakiisha mid ka mid ah Hay'addaha Caalamiga ah ee ka hawlgala Somaliland, isagoo Aqoon fiican u leh Maamulka iyo Maaraynta, xalinta Khilaadka qorshaynta mashariicda, Wacyigelinta iyo Horumarinta
Bulshada.