badhasabk gobolka togdher oo kulan laa qatay saxafada togdher

0
669

Mamulka Gobolka iyo Degmada, Saraakiisha Ciidamada, Bahda Garsoorka iyo Xubno kale oo kamida Masuliyinta Ugu sarraysa Gobolka ayaa kulan Foodda isku daray Suxufiyinta Gobolka Togdheer, kulankanoo uu martigelintiisa laha badhasabka Togdher aya si weyn loogu lafa guray Xidhiidhka warbaahinta iyo qaybaha kalla duwan ee dawladda, waxan halkaas hadalo cabasho u badna ka jeediyey Xubno ka mida Suxufiyinta Gobolka Togdheer, kuwaaso intooda badani sheegay in xidhiidhka warbaahinta iyo dawladda ee heer gobol weligiiba xumaa isla markaasna ay sabab u ahayd madaxda gobolka tiimada oo warbahinta gobolka in gaaar ah kaga xidhanta, waxayna ballanqaadeen in xidhiidhkii hore ay wax ka bedelayaan oo ay madaxdooda kala shaqayn donaan horumarka gobolka iyo arrimaha u danta ah bulshada.
Maayarkuxigenka Degmada Burco aya isaguna Kula taliyey Suxufiyint Burco inay iskuduubnaadaan isla markaasna ka fogaadaan wax kasta oo kala fogeynaya warbaahinta iyo bulshada gobolka isago uga mahadceliyey shaqada adage e ay hayaan iyo dedaalka ay geliyaan gobolkooda ee an cidna lacag ku siin, Waxana uu si kaftaan ah xeer ilaaliyaha gobolka ugu tuuray weedho u ugu lab xaadhayo warbaahinta “ Xer ilaaliye’ dacwadaha iyo kiisaska ay suxufiyiintu galaan u khafiifi, oo ti siyaasinta iyo odayaasha ha uga dhigine ka dhin waa ubad yaryaroo waynu korinaynaaaye” ayu yidhi maayar xoday.
Xeer ilaaaliyaha Gobolka Togdheer ayaa isaguna suxufiyinta kulankas ka qaybgalay uso jediyey inay iska ilaaliyaan wixi inkaar dhalinaya iyo habaarka dadka waaweyn si aanay ubadkoodu inkaar ugu noqon, waxa uu so jediyey xeer ilaaliyuhu in weriyaasha la xidho aan mar danbe iyagon khaladkooda la taabsiin la sii deyn doonin balse la cafin doono ama la xukumi doono marka khaladkooda la tuso ee bulshada loo bandhigo iyaguna qirtaan.
Xubno kale oo masuliyin aha oo kulanka ka qaybgalay oo isugu jiray isuduwayaal iyo taliyaal ciidan aya iyaguna warbaahinta ammaanay isl amrkaasna ku dhirigeliyey shaqadooda balse kula dardarmay inay amniga aad ugala shaqeyaan maadaama hadii dhibaato dhacdo aanay iyagu ka badbaadayn dhibaatada gobolka soo gaadha.
Gebogabadii Badhasabka Togdheer oo kulnaka so afmeeray ayaa ad uga sheekeeyey dhacdooyin sook ala maray warbaahinta isagoo ugu cudur daaray suxufiyinta inta badan khaladaadka gasha inaanay aqontoodu fiicnayn oo ay u baahan yihiin tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo, waxana uu ballanqaaday maadama uu maanta helay tirade rasmiga ah ee suxufiyinta gobolka ka hawlgasha inu kala shaqayn doono raadinta tababaaro iyo waxyaabo kobcinaya aqonta iyo mihnadda suxufiyinta gobolka togdheer, isago xusay inu albaabkiisu u furan yahay guud ahanba warbaahinta iyo cid kast aoo kala shaqaynaysa horumarka gobolka.
Badhasabka Togdheer Maxmed ibrahin qabyo tiro aya noqonaya badhasabki u horeyey ee kulamo la isugu so dhoweynayo la iskuna barayo warbaahinta iyo madaxda gobolka ku qabta gobolka togdheer, isgaoo tusaale u noqon doona badhsabada kale e gobolada oo caqabadaha ugu badan ee horumarkooda ragaadiyey ay ka mid tahay xidhiidh la’aanta iyaga iyo warbaahinta.