Barmaamij Siyaasadeedka Hor-dhaca Ah Ee Xisbiga Waddani Iyo Qaladaadka Iiga Muuqda Ee U Baahan in La Saxo

0
714

Barmaamij Siyaasadeedka Hor-dhaca Ah Ee Xisbiga Waddani Iyo Qaladaadka Iiga Muuqda Ee U Baahan in La Saxo

Waxay ahayd uun markaan saxaafada kala gedisan kula kulmay barmaamij muuqaal ah, oo loogu magac daray barmaamij siyaasadeedka xisbiga Waddani. Kaas oo ay ka hadlayeen masuuliyiin kala gedisani waxaana
barmaamijka ibo furay Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo si kooban ugu hadlay waxaanu sheegay uun in ay soo bandhigayaan buug qoraalkii barmaamijka xisbiga isla markaana xisbigu ilaalinayo dhaqanka suuban iyo diinta islaamka.

Boobe oo ah isna xoghayaha saxaafada ayaa si kooban uga hadlay in xisbiga Waddani ka heegan u yahay isku haynta bulshada.

Dr Fadal iyo Codyare ayaa igaguna si kala duwan uga hadlay dhaqaalaha iyo siday la damacsan yihiin.

Faadumo Siciid ayaa iyaduna waxay ka hadashay doorka ay haweenka ugu tallo galeen iyo sida ay uga hawl galayaan.

Cali Cantar ayaa isna ka hadlay gobolada bariga iyo siday gacan uga gaysanayaan.
C/rashiid Jeeni isna wuxuu ka hadlay arrimaha dibada iyo doorka ay ka qaadanayaan.
Haddaba markaynu eegno qaladaadka muuqda waxaynu ka xusi karnaa.

1. Barmaamijka oo aan si habaysan loo qorshayn iyadoo aad moodo in lagu dagdagay marka loo eego xaalada siyaasadeed ee jirta iyo xisbiga oo aan la haybayn oo aan loo dhisin si xisbi nimo wali
2. Kama muuqdo barmaamijka doorkii siyaasiga ahaa ee xisbigu
3. Muuqaal ahaan barmaamijku ma laha codayn xidhiidhinaysa oo cida hadlaysa iyo waxay ka hadlayaan fahansiisa bulshada uu toos ula hadlayo
4. Meelaha ay ka hadleen masuuliyiintu inta badan oo aanay uga hadal si cilmiyaysan oo la taaban karo.

5. Marka gudoomiyaha iyo garabka dhalinyarta laga reebo masuuliyiinta kale waxay ka hadleen wax aan ahayn shaqadii ay ugu idmanayeen xisbiga gudihiisa ama xilkii ay xisbiga ka hayeen arrin aan ahayn ayay ka hadleen, Tusaale ahaan Boobe Iyo Jeeni waxay u kala sareeyaan xafiiska saxaafada xisbiga hadana may ka hadal doorka uu siinayo Xisbigu Saxaafada ee waxay ka hadleen arrimo aan shaqadoodii ahayn oo Boobe wuxuu ka hadlay Isku haynta bulshada, halka Jeeni ka hadlay arrimaha dibada oo aan shaqadiisa ahayn. Tusaalaha labaad Faadumo Siciid oo ah la taliyaha arrimaha dibada ee Gudoomiye Cirro waxay ka hadashay doorka ay haweenka siinayaan halkay ahayd inay ka hadasho arrimaha dibada iyo doorkooga.

Tusaalaha saddexaad DR Fadal Iyo Xasan Codyare oo iyagu dhaqaalaha si kala gedisan uga hadlay midkoodna si waaqici ah umay tabaan sidoo kale xisbiga xil la xidhiidha maaliyada iyo dhaqaalaha uma hayaan inta ogaalkay ah,

Marka aynu si kooban isugu soo duubno barmaamikaasi wuxuu u baahan yahay in xisbigu dib ugu noqdo oo si tayaysan loo soo diyaariyo , isla markaana cid waliba doorkeeda saxa ah qaadato

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi
Email: Liibaanhanad79@gmail.com