Bastian Schweinsteiger oo xalay Old Trafford u sarakacay kaddib markii uu kulankiisii ugu horreeysay ka soo muuqday ololahan [DAAWO]

0
351

Bastian Schweinsteiger waxa ay xalay jamaahiirta Manchester United uga keceen sarajooga kaddib markii uu keydka ka soo kacay si uu u safto kulankiisii ugu horreeyey muddo sideed bilood ah.

Rugcadaaga waxaa loo sheegay in uu isaga tagi karo Old Trafford xagaaga soo socda.

Bilowgii 32 jirka waxaa lagu amray in uu la tababbarto 23 jirada laakiin waxaa markii dambe lagu soo daray kuwa kooxda kowaad.

Ciyaarytii West Ham ee axadii keydka ayaa loo magacaabay, halka xalay uu ugu dambeyn garoonka galay.

Khadka dhexe waligiiba waxa uu ahaa mid laga jecelyahay the Theatre of Draems.