“Been ma sheegayo.”. Conte oo ka hadlay khilaafka la sheegay inuu kala dhexeeyo Costa

0
354

Diego Costa ayaa laga reebay shaxda Chelsea kulankii xalay ay ka adkaadeen Leicester City waxaana la wariyay in khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo tababare AntonioConte dartii looga reebay.

Khilaafkaas la sheegay ayaa kiciyay xanta ku aadan in Costa uu hayo wadadii uu kaga tagi lahaa Blues iyadoo uu dalab qaali ah kaga imaanayo dhanka horyaalka Shiinaha.

Laakiin Conte oo hadlay kaddib kulankii xalay ay 3-0 ku suul daareen Foxes ayaa yiri: “Waxba kama garanayo wararka sheegaya inuu Costa diiday inuu u ciyaaro Chelsea, maxaa yeelay waxaa run ah wixii aan horey idin kugu sheegay ee ahaa inuu qabo dhaawac dhabarka ah.

“Iminka waxaan arkeenaa kulanka xiga.

Mar wax laga waydiiyay macallinka reer Talyaani wararka Costa la xiriirinaya horyaalka Shiinaha ayaa misane yiri:

“Waxba kama garanayo midan.

“Kooxdu iguma aysan war galin arrinkan sidaa darteed waxba kama garanayo midan.

“Waxaan aaminsanahay haddii ay dhibaatooyin jiraan, waxaan door bidaa inaan dhibaatada ku xaliyo qolka dhar badelashada ee ma ahan shir saxaafadeedka. Waxaan iri waa haddii ay jiraan dhibaatooyin.”.