Beesha Cabdalle Carab oo xaflad ku biiritaanka Xsibiga Waddani ku qabsaday Maanta Burco + Sawiro

0
416

Burco (Warsugannew) Xisbiga Mucaradka Wadani ayaa Maanta Xaflad Aad u Baladhan Oo Lagu soo Dhawaynayo Tagerayaal Tiro Badan Oo ka soo Jeeda Beesha Cabdale Arab Oo ka Mid ah Beelaha Dega Gobalka Togdheer Loogu Qabtay Hotel Cigal Ee Magalada Burco,

Xafladani Oo ahayd Madal Si Baladhan u Kulmisay Bulshada Qaybaheeda Kale Duwan ayaa waxa Goob-Joog ka ahaa Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka Wadani C/Raxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro),Wasiirkii Hore Cafimadka Xukumadii Riyaale Dr Cabdi Haybe,Wasiirkii Hore Xananada Xoolaha Dr Aden Dheere,Madax Sare Sare Oo ka Tirsan Xisbiga Wadani,Xildhibano ka Tirsan Barlamanka iyo Waliba Marti Kale Sharaf Kale Duwan,

Ugu Horraynba Waxa Munasibadaasi Soo Dhawaynta ah ka Hadlay Gudomiyaha Beesha Cabdale Arab Ee Gobalka Togdheer Sheikh Cabdiraxmaan Waxaanu Shegay inay Beesha Cabdale Arab Ee Gobalka Togdheer ay Hiil iyo Hooba la Barbar Taagan Yihiin Xisbiga Wadani.

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan “ Maanta Waxa Halkan Fadhiya Cuqashii,Haldoorkii,Waxgaradkii,Dhalinyaradii iyo Haween Waynihii Besha Cabdale Arab Ee Gobalka Togdheer,Waxaanu Cadaynaynaa in Markii Horaba ay Beeshu Taagero Baladhan la Barbar istagnayd Xisbiga Wadani Maantana waxaanu Shegaynaa in Aanu Guud ahaanba isugu Biyo Shubanay Xisbiga Wadani,Runtii Beeshani Degano Badan ayay Degtaa Maanta Hadii ay Arab Bari Tagereen Wadani Waxaanu Leenahay Guulaysanay insha allah Xisbiga Wadani Wuxuu Noqon Donaa Midka Hogaminaya Mustaqbalka Dhow Dalkan iyo Dadkanba,Mudadii Uu Madaxwayne Siilanyo Talada Wadanka Hayay Wax Uu ka Qabtay ma Jirto Deganada ay Reerku Degaan,Waxaan Rajaynayaa inuu Xisbiga Wadani Wax ka Qaban Doono Insha allahu Tacalaa ” Ayuu Yidhi Gudomiyaha Beesha Arab Bari Ee Gobalka Togdheer

Oday Xirsi Maxamed Oo ka Mid ah Haldoorka Beesha Arab Bari Ee Gobalka Togdheer ayaa isaguna Dhankiisa Shegay inay Beeshu ku Midaysan Tahay inay Tagersan Yihiin Xisbiga Wadani,

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan “ Maanta Waa Maalin Aad u Wayn Runtii Waa Noo Farxad in Maanta Uu Gudomiyihii Xisbiga Wadani Uu Nagala soo Qayb-Galo Munasibada ay Beesha Cabdale Arab isugu Biyo Shubanayan Xisbiga Wadani,Waxaan Leyahay Cabdiraxmaan Cirro Waad aragtaa inay Beeshii Arab ku Tagereen Waxaanu ku Leenahay Mudane Gudomiye Shanta Sano Soo Socda Beesha Arab u Ogolow inay Xisbiga Wadani iska Soo Sharaxaan,Lakiin Waxaan Cadaynayaa inay Beesha Cabdale Arab Yar iyo Waynba ku Midaysan Yihin Xisbiga Mucaradka Wadani” Ayuu Yidhi Oday Xirsi Maxamed

Luul Xirsi Oo iyaduna ku Hadlaysay Afka Haweenka Beesha Cabdale Arab Oo iyaduna Halkaasi ka Hadashay ayaa Waxa ka Mid ahaa Hadaladedii Sida Tan

“ Waxa ii Farxad ah in anigoo Hore uga Tirsanaa Xisbiga Wadani Maantana ay Beeshii Cabdale Arab Oo Odahodii Wadataa ay ku Soo Bireen Xisbiga Wadani Waa Guul Aan hore u Sugayay Waxaanan Leeyahay Beeshayda aynu Gacmaha isugu Qabsano Sidii aynu Dorashada Madaxtoyada Codkeena Ugu Hiilin Lahayn Xisbiga Wadani”

Aden Dheere Wasiirkii Hore Xananada Xoolaha Oo isaguna Munasibadaasi ka hadlay ayaa Waxa ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan

“ Waxaan ku Faraxsanahay in Maanta Burco Aanu Xaflad ugu Qabano Tagerayaal Tiro Badan Oo Ku Soo Biiray Xisbiga Wadani Kana Tirsan Beesha Arab Bari Waa Guul usoo Hoyotay Xisbiga Wadani,Waxaan Xasusinayaa Beesha Cabdale Arab Hore Xisbiga Wadani Waxa Uu Magalada Hargaysa Xaflad ugu qabtay Beesha Arab Oo Dhamaantod ku Biiray Wadani Maantana waa ilahay Mahadii Hadii ay Cabdale arabna Xisbiga Wadani ku soo Bireen,Waxaan Leeyahay Beesha Arab waxa Lagu Yaqanayaa Xisbiga ay Racaan inuu Guusha Hantiyo,Waxaan Leeyahay Barbarkay ka baxdaa waa Bakayle Qaleene aynu Taagerno Xisbiga wadani” Ayuu Yidhi Aden Dheere,

Mujaahid Ooto Biixi Caalin Oo Halkaasi ka Hadlay ayaa waxa ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan “ Waxaan idiin Shegayaa Maalintii la Sameyay Ciidankii Koodbur ayaa Somaliland la Xoreyay Waxaan idiin Cadaynayaa Ciidankii Koodburna waxay ahayeen Arab iyo Garxajis,Ragii 24 Sano Garxajis iyo Arab Kala ilaalinayay Waxaan Leeyahay darbigii Waanu Jabinay Waa Darbigii Barlin Wuu Dumay ku Quus-Qaata,Cid u Heshiin Mayno Ee lakiin Midnamada isaaqa ayaa ku Jirta inay Midobaan Arab iyo Garxajis,Anigu Waxan Aaminsanahay in Xisbiga Wadani Yahay Xisbiga Kaliye Ee Midayn-Kara Bulshada Reer Somaliland” Ayuu Yidhi Mujaahid Ooto Biixi Caalin

Wasiirkii Hore Cafimadka Dr Cabdi Haybe Oo isna Dhankiisa ka Hadlay Xafladaasi ayaa waxa Ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan

“ Anigu Waxaan ahay Wasiirkii Ugu Waxqabadka Badnaa Ee Beesha Arab Wax u Qabtay Haday Noqoto Shaqalaysiin,Haday Noqoto Degmadii Aan Sameyay,Maantana Waxaan idiin Balanqadayaa Xisbiga Wadani Marka Uu Dhawaan Gulaysto in Mashariic badan Aan idiin Qaban-Doono Shaqaale Badane Aanu idiin Qori-Doono,Kolay Waydun ka Warhayseen Sidii ay Beesha Arab Magalada Hargaysa ugu soo Bandhigeen Tageraradooda Aan Gabasha Lahayn Ee ay u Hayaan Xisbiga Wadani,Waxaan idin Leeyahay Guushu Way Dhowdahay Soo Raaca Xisbiga wadani” Ayuu Yidhi Cabdi Haybe Wasiirkii Hore Cafimaadka

Xildhiban Siciid Cilmi Rooble,Xildhiban Baar Siciid,Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Wadani Maxamed Uurcade,Guleed Daahir Samatar Badhisab ku Xigenkii Hore Togdheer ,Xoghayaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Wadani Marwo Hinda Gaani Oo iyaguna Dhankooda ka Hadlay Madashaasi ayaa Dhamaantod amaan Baladhan usoo Jeediyay Haldoorka Beesha Cabdale Arab Tageerada Baladhan ee ay la barbar istageen Xisbiga Mucaradka Wadani

Gaba-Gabadii Waxa Xafladaasi ka Hadlay Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka Wadani ahna Gudomiyaha Barlamanka Somaliland C/Raxmaan Maxamed C/Laahi Cirro Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan

“ Maanta Waa ii Farxad in ay Beesha Cabdale Arab Ee Gobalka Togdheer ay ku Soo Bireen Xisbiga Wadani,Beeshani Horre Waxay uga Mid ahayd Aasasayashii Xisbiga Haday Tahay Bari iyo Galbeedba,Maanta Waa Farxad inay Beeshani Gabi ahaanba ay ku Soo Bireen Xisbiga Wadani,Xisbiga Wadani Waxa loo Aasasay inuu Dhamaanba Beelaha Reer Somaliland u Dhaxeeye Haday Noqoto Sool iyo Sanaagba,Wadani Waa Xisbi Qaran Oo La Wada Leeyahay Oo Aanay Cidina Lahayn,Siday Odayashii Horaba Shegeen Xisbiga Waa La Wada Lahanayaa Waxna Dadku Way Wada Donayaan Marka Hore Runta ka Gaban Maayo,Odayasha Beeshan Waxaan Leeyahay Dhawaan Waydun Heli Dontaan waxaydun Donaysan,Gobalka Togdheer Aniga iyo Waftiga Wadaniba Waxay u Yimadeen in Aanu Xogogal u Noqono Qaabka ay Howsha Diwaan Galintu uga Socoto Gobalka Togdheer,Waxaan Marlabaad ugu Baqayaa inay Bulshada Reer Togdheer is Diwaan Galiyaan Si aynu u Gaadhno Doorasho Xor Oo Xalaal ah” Ayuu Yidhi Gudomiye Cirro

DSC02878(2)

DSC02903(1)

DSC02933(4)

DSC02967(4)

DSC03026(1)

DSC03058(2)

DSC03135

DSC03149(2)

DSC03166(1)

DSC03181

DSC03195

DSC_0048(3)

DSC_0050(3)

DSC_0065(2)

DSC_0065

DSC_0066

DSC_0070(4)

DSC_0070

DSC_0078(2)

DSC_0089(4)

DSC_0099

DSC_0132(3)

DSC_0139(1)

DSC_0155(3)