telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

BEESHA CIIDAGALLE OO GEED KU XIDHAY FAYSAL CALI WARAABE,KHALADKIISA FARTA U SAARTAY + HADHIMADII FAYSAL + CANAANTII SALAADIINTA + BEESHA DHEG XUMO AYAAD U SOO HOYSAY FASALOW+ SAWIRRO

Hargeysa (WARSUGANNEWS.COM)_Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, iyo haldoorka beesha uu ka soo jeedo ee ciidagale oo maalintii daraad fooda isku daray shir doceed, kaas oo laga wada haddlayey xaalka xisbiga UCID,& khilaafka soo labakacleeyey ee xisbiga UCID sidii loo daweyn lahaa,waxaana la sheegay in halkaas haddalo canaan u badan loogu soo jeediyey Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

 

Shirkan oo ahaa mid u gaar ah hadloorka beesha ciidagalle iyo gudoomiye Faysal Cali waraabe, ayaa waxa ka soo qayb-galay Suldaanka guud ee saldiinta Somaliland Suldaan Maxamed C/qaadir, boqoro, Salaadiin, dhallinyaro, aqoon yahan,iyo waxgaradka kale Beesha.

Haldoorka Beesha Ciidagalle ee madashan ka qayb-galay, ayaa haddaladoodu waxay u badnaayee canaan ay faysal Cali waraabe ay dusha u saareen, waxaanay u sheegeen inuu dhag xumo beesha u soo oo hooyey,iyagoo ku qanciyey inuu hadda ka khaldan yahay musharax Jamaal, isla markaanu uu guuldarooyinka siyaasadeed ee UCID la deriska noqday uu aabo u yahay Faysal, waxaanay ugu  goodiyeen madaama oo uu jiray heshiis hore oo dhexmaray odayaal ka soo jeeda beesha ciise muuse oo waheliyey Jamaal iyo odayaal ka soo jeeda beesha ciidagalle oo uu la socday Faysal in aanu heshiiskaa ka bixin ee uu ixtiraamo Faysal Cali waraabe, waxaana la wariyey inuu Faysal Cali Waraabe tunka ku qaatay.

Kullanka oo ahaa mid qado doceed ah oo uu sameeyey Faysal Cali Waraabe, ayaa la isku gabal dhacsaday, iyadoo gunaandkii uu halkaasi ka haddlay Faysal Cali waraabe,isagoo ku calaacalay in hore uu u xumeeyey Cirro isla markaanu uu guuldaradii soo gaadhay xisbiga UCID masuul ka ahaa Cirro,waxaanu gunaanadkii ku soo afmeeray faysal Cali waraabe haddalkiisa sidan”,Anigu ma ihi musharax jamaal baa musharaxa , lakiin xisbigu wuu qabsanayaa shirksii golaha dhexe waana lagu tartamayaa waxaanu xisbigu ka tashanayaa sidii uu ugu guulaysan lahaa talada dalka mana doonayno inaanu markale guul daraysano”Ayuu yidhi Faysal

942 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins