BERBERA Aar Libaax Nin Ganay IyoRuuxii Galladay Iyo Kala Garay Nin Gees Maray !!!!

0
546

BERBERA Aar Libaax Nin Ganay IyoRuuxii Galladay Iyo Kala Garay Nin Gees Maray !!!!
Gurigaan Lahaynee
Guulle Nagu Barbaarshee
Gogoshuna Inoo Tiil
Gaaraayacuun Baa
Geyigeenni Iib geyn
Markay Guudkii Laasteen
Dhul Guntiis Wixii Jiray
Hantideen Ma Guurta’a
Maafiya Ka Gada Oo
Ugu Gura Maraakiib
Geesna May Hambeynine
Godadkey Qodeen Ee
Ka Gurteen Barwaaqada
Murti Guun Ah Baa Tiri
Aar Libaax Nin Ganay Iyo
Ruuxii Galladay Iyo
Kala Garay Nin Gees Maray
Gisi Maahin Xoolo Ah
Godobteennu Waa Qaan
Ruux Waliba Tuu Galay
Waa Laga Abaal Gudi

Godomiyaha Abaabulka Ucid Ee Qaarada Europe
Marwo Samia Muse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here