“Berbera Magaalo Qadiimi Ah Oo Heshay Maalgalin Ay Ku Barwaaqoobi Doonto Mustaqbalka Dhaw’’ Thomson Reuters Foundation

0
346

“Berbera Magaalo Qadiimi Ah Oo Heshay Maalgalin Ay Ku Barwaaqoobi Doonto Mustaqbalka Dhaw’’ Thomson Reuters Foundation

“Qurxinta Berbera hubaashii waa is debel dhaba” Ayuu yidhi Maxamed Aadan Xasan oo ah madaxa telefishanka Star tv, “ waxay muujinayaan astaamahani kuwo ka imanaya koox gaar ah”. Jaamac Muuse Jaamac , oo ah madaxa seeska dhaqanka ee Badda cas ee Hargeysa ayaa sheegay In dadka Saboolka laga saaro loona raro horurmarka”

Berbera (Warsugan)“Kadib heshiis ku kacay 400$ milyan oo ah maalgalinta dekada ah ayaa keenay ‘’Dhul iibsi’’ oo Qurbejoogta reer Somaliland iyo Ganacsatada tijaarta ahi ee wadanku iibsanayaan dhulkii asliga ahaa ee magaaladan Qadiimka ah.’’ BERBERA, Somaliland, April 4 (Thomson Reuters Foundation) dhulka wadooyinka ku hareeraysani waa madhanyahay mana leh dhir ku hareeraysan ,Dekadan Gabowday ee dhacda Gacanka cadmeed ayaa Qarniyo jirtay kadib heshiiskan ayaa ka dhigaya magaalo kor usoo kacda oo barwaaqo lama filaan ah hesha, kaasoo ay ku heshay goobta istaraatijiga ah ee ay dhacdo. Magaaladan dunsan ayaa soo martay Qalalaase mudo tobonan sano ah , balse nasiib wanaageeda hada Qarka ayay usaarantahay in la bedelo kadib heshiiska balaadhan ee ku kacaya 400$ MILYAN taasoo cusboonaysiinaysa Dekada waana sababta kor u kiciyay Iibsiga dhulka oo hada Qaali noqday .

Berbera , xeebtan oo dhereran ilaa wadanka Jabuuti,ayaa ku jirtay culays kaga yimi kadib markii Somaliland ka go’day Somaliya iyo dagaal sokeeye oo lagu hoobtay kaasoo dawladii somaliya si axmaq-nimo ah uxasuuqday shacabka Somaliland. Dhismayaasha magaalada Qaar waxay dhisnaayeen ilaa waagii dawladii Cusmaaniyiinta , kuwaasoo aad udayacan, Shaqo la’aan baahsan ,Abaartii oo kasii dartay taasoo laysay xoolihii oo ah laf dhabarta dhaqaalaha wadankan . Bishii September ee sanadkii hore ayaa dawlada Somaliland gashay heshiiskii maalgashi abid ugu balaadhnaa taariikhda kaasoo u saamaxaya magaalada Berbera inay noqoto Xarun ganacsiyed wayn oo geeska Afrika ah.
Horumarkaas ayaa waxa ka danbaysa shirkada caalamiga ee DP world oo ah shirkad maamusha dekado badan oo aduunka ah taasoo laga leeyahay wadanka isu taga imaaraadka carabta , heshiiska labada dhinac {Somaliland iyo Dp world} ayaa lagu qiyaasay lacag dhan afar boqol oo milyan oo dolar 400$milyan, heshiiskan ayaa sidoo kale waxa xigay heshiis kale oo ay dawladaha somalland iyo iimaaraadka carabtu kala saxeexdeen bishii march ee sanadkan kaasoo usaamaxaya in dawlada fadhigeedu yahay dubai inay saldhig milateri ka dhisato magaalada Berbera kaasoo noqonaya dhawr kiiloomitir oo wadada hoosteeda ah . Dadka deegaanka iyo maalgashadayaashuba waxay aamisanyihiin in magaalada berbera Qarka usaarantahay kor ukac dhaqaale oo kadhigi doona magaalo markale hodan ah. Aadan abokor , waa cilmi baadhe ka tirsana Maxadka Rift Valley ee magaalada Hargeysa , wuxuu yidhi marshuucan ayaa keenay “kor ukaca dhulka” ,kaasoo ay iibsanayaan Qurbejooga Somaliland iyo ganacsatada tijaarta ahiba kuwaasoo doonaya inay magaalada dhul ka iibsadaan.

Inkastoo dhulkan ku wareegsan Dekada uu umuuqdo cidla, balse dhismahan ka samaysan jaajuurka ee loogu talo galay dabinada kaluumaysiga kaasoo teedsan laga soo bilaabo garoonka diyaaradaha ilaa dekada Berbera . dhismayaashan cusub ee derbiyada ayaa meel fog ka muuqda . “waxaa la dhisay dhismeyaal badan labadii sano ee lasoo dhaafay kuwaasoo ka badan dhismayaashii ilaa 1991,” ayuu yidhi Jimcaale Cabdulahi oo kamid ah saraakiisha dawlada hoose ee Berbera. Laakiin dhamaan dadka degan magaaladu kuma wada faraxsana .

Xiisada dhulka: Dhulka ayaa sababa dhibaatooyin mudo dheer socda Guud ahaan Somaliland, waxa ka danbeeya dhibaatoyinkaas intabadan rabshadaha diiwaanka magaalooyinka , Xarunta nabada iyo horumarka {APD} oo fadhigeedu yahay magaalada hargeysa ayaa ku sheegtay sidaas warbixin ay soo saareen 2010. Khilaafaadka Qabaa’ilka ayaa mudo dheer darawalinayay khilaafkan , waxaa sii waalay xaalka burburkii ama lumintaanka waraaqihii Sharciga ah waagii dagaalada sokeeye socdeen, taasoo keentay in loo tartamo sheegashada dhulkii kadib markii dalka lagu soo noqday. Inkastoo uu jiray sharciga dhulka Qaranku ilaa 2001, balse sheegashada Qabaa’ilka ayaa weli la arkaa Marjaca loo noqonayo marka khilaaf yimaado, laakiinse ma cada inaanay Sugnayn nidaamka lahaanshaha hantidu guud ahaan dalka oo dhan .

Sayid saaxiibkiis oo lagu magacaabo Axmed Nasal ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan xubnaha kasoo laabanaya Qurbaha , laakiin waa hadii ay kasoo jeedaa magaaladan ayuu yidhi. “Hadii aanay kasoo jeedin magaalada ha tagaan oo ha Maalgaliyaan Goboladooda”ayuu yidhi. Qaar kale oo lahadlay Thomson Reuters Foundation ayaa ku khilaafay , wuxuu yidhi Maalgashiga Qurbejoogu waa mid uwanaagsan magaalada.

“Dhulkani wuu madhanyahay ,majiro Qof kaliya oo Maalgashaday halkan “ayuu yidhi Saleban Aadan oo ah nin dhalinyar ah oo bilaa camal ah . “Waxay siin doonaan dadka deegaanka fursad ay ugu danbaynta ku Horumariyaan Dhulkooda .” Dawlada hoose waxay maamushaa dhul baaxad leh oo ay kujiraan 70 kiloomitir {44 mayl} aaga “FREEZONE “Agagaarka dekada.. Celceliska Qiimaha 12-12 mitir ah baloogii ayaa aad ugu sare kacay kaasoo gaadhay $100,000 Boqol kun oo dollar dhulka bada ku teedsan . “Qurxinta Berbera hubaashii waa is debel dhaba” Ayuu yidhi Maxamed Aadan Xasan oo ah madaxa telefishanka Star tv, “ waxay muujinayaan astaamahani kuwo ka imanaya koox gaar ah”. Jaamac Muuse Jaamac , oo ah madaxa seeska dhaqanka ee Badda cas ee Hargeysa ayaa sheegay In dadka Saboolka laga saaro loona raro horurmarka “kadib waa markii horeysay ee ay soo ifbaxdo dhibaatada Dabaqaduhu ilaa Colaadihii Qabiilka .” XEERARKA CUSUB EE DHULKA: Dawladda ayaa hadda bilowday abuurka Siyaasada Qaran ee Dhulka , kaas oo ujeedadiisu tahay in la helo caddaynta lahaanshaha dhulka , kaasoo meesha ka saaraya musuqmaasuqa maamulka dhulka . Laakiin badi dadka degan Berbera , walaaca ugu weyni ee soo food saaraa waa shaqo la’aanta.