Bog Isku Xidhka Dadka Guur Doonka Ah Ka Shaqaynaya Oo Hargeysa Lagu Daahfuray

0
362

Bog Isku Xidhka Dadka Guur Doonka Ah Ka Shaqaynaya Oo Hargeysa Lagu Daahfuray

Hargeysa(Warsugan) Bogga Internet-ka ee Guurkayga.com ayaa lagu daahfay Magaalada Hargeysa, kaasi oo noqonaya kii u horeeyay ee noociisa ah oo ku qoran afka Soomaaliga, kana shaqaynaya arrimaha xidhiidhka Guurka. Munaasibadda lagu daahfurayay oo magaalada Hargeysa ka qabsoontay waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah culimada Somaliland, madaxdhaqameed, guddida wanaag farista, wasaaradda waxbarashada iyo xubnaha aasaasay website-kan Guurkayga. Adeegga uu bixinayo Boggan cusub ayaa lagu sheegay fududaynta xidhiidhka dadka guur doonka ah, kaasi oo ay si waafaqsan shareecadda Islaamka ku kulmayaan dadka bartan iska diwaangaliya.

Waxaa madasha laga sheegay in boggan la samaynayay muddo lix bilood ah,
lagana shaqaynayay ilaalinta xogtiisa, haddana uu yahay mid lagu kalsoon yahay oo dhawraya sirka dadka isticmaalaya. Ujeedada Boggan ayaa lagu sheegay sidan “Waa in la helo meel ka mid ah meelaha ay Bulshadu ku kulanto oo Islaami ah, isla markaana ay kaga maarmi karaan in badan oo Bulshada ahi Baraha Bulshadu ku kulanto ama Telefoonada lagu wada sheekaysto ee laga yaabo in ay sababaan Xumaan ka dhalata Been iyo Khiyaamo la isugu sheego,Waxaa kale oo ka mid ah Ahdaafta uu xambaarsan yahay bogani In laga qayb qaato dhismaha Qoysas xalaal ah si loo badiyo ummada Islaamka ah iyadoo la fulinayo Amarkii Rasuulka csw.” Sidoo kalena habka loo isticmaalayo boggan ayaa loo sharaxay sidan “Ugu horeyn waa in aad isdiiwaangelisaa taas oo ah Bilaa Lacag ,adigoo ka geli doona Bogga Hore (Diiwaan gelin ), waxaanad Qori doontaa : Warbixintaada Qof ahaaneed , warbixintaada xubinimo , warbixintaada Qofka aad tahay , iyo Warbixinta Qofka aad doonayso ka uu yahay , warbixinahaasi waxay kuu sahli doonaan in aad la xidhiidho Qofka kale , waxaana lagaaga baahan yahay in aad u hubiso E-mail-kaaga inuu saxan yahay si ay u fududaato in lagula soo xidhiidhi karo , adiguna aad wax u dalban karto mustaqbalka.” Boggan ku cusub nidaamka xidhiidhka guur doonka Soomaalida ayaa sanadkii lagu isticmaalayaa lacag dhan 15 ilaa 20 doolar oo uu bixinayo qofka ku xidhan boggan. Masuuliyiinta madashan aasaastay ayaa sheegaya inay tahay mid lagu kalsoon yahay oo abuuraysa xidhiidh wanaagsan iyo hab ka togan sida hadda loogu xidhiidho telefoonnada iyo aaladaha kale.

XIGASHO WARGEYSKA WARSUGAN
warsugannews@gmail.com
warsugan15@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office