Boobe Yuusuf Ducaalow Derejo iyo Mansab Ku Gaadhi Maysid Cayda Xaaji Axmed , Abaalaawe Inaad Tahay Dadku Kuwada Arag

0
362

Boobe Yuusuf Ducaalow Derejo iyo Mansab Ku Gaadhi Maysid Cayda Xaaji Axmed , Abaalaawe Inaad Tahay Dadku Kuwada Arag

Marka hore salaan qiimo iyo qaayo leh iga gudooma bulshada reer somaliand, waxaan markale jeclaystay inaan idinla wadaago qoraal ama maqaalkan oo aan kaga hadli doono arin cibaaro ah oo beryihii u danbeeyey warbaahinta ku jirtay.

Boobe Yuusuf Ducaale nin la yidhaahdo waxaa uu hore uga tirsanaa Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne siilaanyo, isagoo ahaa wasiirkii Wasaarada Warfaafinta mudo koobana xilkaasi hayey, ka dib magacaabistii boobe ee Madaxweynuhu u magacaabay inuu qabto xilka wasaarada warfaafinta , markiiba waxaa ay is qabsadeen masuuliyiintii wasaarada shaqaalihi, waxaana lagu xasuusta in wakhtigii uu joogay wasaaradaasi uu hadheeyeey musuq maasuq baahsan oo guud ahaan wasaarada laga dareemay ka dib markii masuuliyiintii iyo shaqaalihii wasaaradaasi u dul qaadan kari waayeen musuqaasi waxay cabashadu gaadhay Madaxweynaha jamhuuriayda somaliand, hadana waxaa dhacday inay gacanta isula tageen qara kamida masuuliyiintii uu la shaqaynaayey gacan ka hadalkaasina wuxuu dhalay in meeshii dhaawac ka dhasho .

Sharaf xumo iyo karaamo daro ayey ahayd wasiir meeshii masuuliyadeeda iyo xilkeedaba la saaray inuu ku dagaalamo uu xaq dhawriwaayo dadkii la shaqaynaayey, kuna dhaqmo musuq iyo qabyalaad , walow aanay taasi caadada masuuliyiinta ahayn xilkana gudashadiisu tahay si cadaalada oo caadacada waxaan odhan karnaa , markii ay isa soo tartay cabashadii isqabsadaka wasaaradu uu cirkaa maray madaxweyne siilaanyo waxuu go,aan saday inuu xilkii qaranka uu ka qaado Boobe Yuusuf sida waajibku yahay, ninkaasi weyne ee Boobe Yuusuf Duacaale la yidhaahdaa oo bulshada sumcad ku lahaa wuxuu karaamo beelay markii uu bilaabay waxuu ugu yeedhay qoraal taxane ah taasi sharaftii haybadii uu lahaa ay habeen ku maydhatay (Haybad Eebe ku siiyey Habeen Layskama Qaado) kuna caayey Madaxweynihii uu wasiirka u ahaa.

Boobe Yuusuf Ducaale intaas kamuu xishoon wuxuu habeen iyo maalin Tv-yada la taagan afxumo aan loo aabo yeelin tolow maanu ogayn inay cayda axmed siilaanyo kuwa hore waxba ku waayeen inay ku ceeboobeen mooyaane, ninka weyn ee shalay wasiirka ahaa hadana maalin iyo habeen cayda af xumada lasoo taagan xukuumadii uu ka mid ahaa , hadii musuq xilkii lagaaga qaaday aad shalay ku fashilantay miyaad garan wayday inaad iska aamusto , waa xukuumada ayaankeed waxay ahayd in maxkamad lagula tiigsado oo sharciga lagugula eerto si waajibkaaga laguu mariyo.

Inuu hadaad qiimayn taqaan ama aad ehlu sharaf tahay maanta kaama suurtowdeen inaad ninkii shalay siyaadada ku baray aad maanta micrifoonka usoo fadhiisato ee waliba kaa cafiyey xoolihii dadweynaha ee aad jeebka ka buuxsatay qaarkoodna la ogaa halkii aad geysay, bulshadu waxay kala garan la,adahay inaad khafiiftay oo xil ka qaadistii wax kuu dhintay iyo inaanad garanyn hab maamuska madaxda iyo qaadka dawladahah loo dhaliilo.