telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

BOOLISKA MANDHERA OO FASHILIYAY WEERAR KA DHAN AH BASAS AY RAKAAB SAARNAAYEEN

Nairobi (WARSUGANNEWS.COM)_Booliska magaalada Mandhera ee dalka Kenya ayaa fashiliyay weerar ay kooxda Al-Shabaab dooneysey inay qabasato basas ay saarnaayeen dad rakaab ah oo marayay inta u dhaxeysa magaalooyinka Ceelwaaq iyo Wargaduud ee gobolka waqooyi-bari Kenya.

madaxa u kuurgala ammaanka Wajeer, Fredrick Shisia ayaa sheegay in rag hubeysan oo la rumaysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerareen labada bas oo xilligaasi ay waardiyeynayeen 12 askari.

Wuxuu sheegay in rasaas ay is waydaarsadeen labada dhinac balse aanu jirin wax khasaare ah.

Wuxuu sheegay in uu bartilmaameedka uu ahaa ciidanka ammaanka ee basaska la socday.

Wuxuu sheegay in ciidanka ammaanka ay ku daba jiraan dableyda oo uu sheegay in toddobaadkii u dambeeyay ay deegaanka ku dhuumaaleysaneysay.

560 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins