Booqashada Taariikhiga ah ee Weftiga Madaxweynaha JSL ku tegay Ireland, waxay tusaale u tahay horumarka soconaya ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda JSL, maxayse mucaaradku uga gaabsadeen inay guushan hambalyeeyaan?‏

0
514

Booqashada Taariikhiga ah ee Weftiga Madaxweynaha JSL ku tegay Ireland, waxay tusaale u tahay horumarka soconaya ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda JSL, maxayse mucaaradku uga gaabsadeen inay guushan hambalyeeyaan?

Dadaalka aan joogsiga lahayn ee xukuumadda iyo gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Maxamed Biixi Yoonis waxay u horseedeen Somaliland in lagu tallaabsado horumar waafi ah xagga siyaasadda dibadda, lana xaqiijiyo waxqabad dhab ah oo faaiido u leh bulshada Somaliland dhinaca xidhiidhka iyo iskaashiga wadamada dunida iyo in la gaadho garawshiyo ay beesha caalamku siiso qadiyadda madaxbannaanida JSL.

Kagama hadlayo maqaalkan waxqadka Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah iyo masuulidda culus ee ay qaranka u xilsaarantahay balse waxan jecelahay inaan akhristayaasha la wadaago hambalyadayda ku aadan booqashada taariikhiga ah ee Weftiga Madaxweynuhu ku tegay Ireland iyo kulamada dhaxalgalka ah ee weftigu la qaatay Madaxweynaha Ireland Mudane Michael D Higgins iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Ireland iyo nuxurka qodobada waxtarka u leh Somaliland ee labada dhinac ka wada hadleen sida warbaahinta dawladda iyo ta madaxabannaanba lagu baahiyay.

Waa xidhiidh cusub oo faaiido weyni ugu jirto Somaliland dhinacyo badan oo dhammaantood ahmiyad weyn u leh bulshada Somaliland – xagga siyaasadda diblomaasiyadeed oo waxtaraysa qadiyadda madaxbanaanida JSL, xagga iskaashiga nabadgelyada, xagga gargaarka horumarineed iyo taageerada dhaqaale iyo farsamaba. Ireland waxay ka midtahay wadamada ugu heerka sarreeya xagga dhaqaalaha.

Waa tallaabo guul leh oo qaranku hore u qaaday balse waxa is waydiin leh waa maxay sababta xisbiyada mucaaradka Somaliland uga aamuseen inay ku hambalyeeyaan umadda, una bogaadin waayeen guusha aynu gaadhnay?
GUUL GOONI ISUTAAGGA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Hassan Ahmed Yusuf
Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation
Hargeisa, Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here