Boqolaal Qof Oo Laga Cabsi Qabo Inay Ku Dhinteen Doonyo Ku Degay Xeebaha Libya

0
373

Boqolaal Qof Oo Laga Cabsi Qabo Inay Ku Dhinteen Doonyo Ku Degay Xeebaha Libya

Tripoli (warsugannews) Qiyaastii 200 oo qof ayaa laga cabsi qabaan inay ku dhinteen laba doonyood oo ku degay badda u dhexeysa Libiya iyo Taliyaaniga. Doonyaha waxa saarnaa inka badan 400 tahriibeyaal ah, kuwaasi oo ka soo kicitimay Africa iyo koonfurta Aasiya.

Tobannaan qof oo tahriibayaal ah ayaa sidoo kale la badbaadiyay, kaddib howlgal samata bixin ah oo ay sameeyeen ciidamada ilaalada xeebaha ee Taliyaaniga iyo midawga Yurub.

Xeebta lagu magacaabo Zuwara waxa ay saaka ku waa bariisatay shacab dibad bax ka dhigaya halkaasi, waxayna ka soo horjeedaan tahriibinta dadka.

Labada doomood ee ay la socdeen boqollaalka qof ee muhaajiriinta ah ayaa waxa ay degeen isla marka ay ka dhaqaaqeen xeebaha Liibiya.

Madaxa hay’adda socdaalka caalamiga ah ee IMO ee dalka, ayaa waxa uu BBC-da u sheegay in 100 qof illaa iyo hadda la badbaadiyay, loona gudbiyay xarumo dadka lagu hayo oo ku yaalla galbeedka dalkaasi.

Waxa uu sheegay in dadkan la badbaadiyay ay rag u badan yihiin, ayna ka mid yihiin sagaal dumar ah iyo laba caruur ah.

Dad ku sugan Zuwara waxa ay BBC-da u sheegeen in ugu yaraan 100 maydad ah la geeyay Cisbitaalka ayna ka mid yihiin dad loo maleynaayo inay u kala dhasheen Suuriya, Bangaladesh iyo qaar ka mid ah dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya. Laakiin tani si madax bannaan looma xaqiijin karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here