Boqor Buurmadow Oo Ka Hadley In Ay Madaxdhaqameedku Ka Qeyb Galaan Wada Hadalada Tukriga Iyo Salaadiin Soo Dhaweyn Fooladeysan Hargeysa Ugu Sameeyey + COD & SAWIRO.

0
770

Boqor Buurmadow Oo Ka Hadley In Ay Madaxdhaqameedku Ka Qeyb Galaan Wada Hadalada Tukriga Iyo Salaadiin Soo Dhaweyn Fooladeysan Hargeysa Ugu Sameeyey + SAWIRO.

Hargeysa (Warsugannews): Boqor Cismaan Aw Muxumuud (Buurmadow) Ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey ka dib markii uu mudooyinkii u danbeeyey uu safar ugu maqanaa qaar ka mid ah wadamada dibada

Boqor Buurmadow oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey xubno badan oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland , xubno ka mid ah golaha wasiirada ee masuulyiin kale.

Boqorka oo warbaahinta kula Hadley qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ayaa waxaa uu ugu horeyn u mahad celiyey madax dhaqameedka sida diiran u soo dhaweeyey.

Mahadnaqaas ka dib waxaa uu boqorku si adag uga Hadley isla markaana uu u sacabo tumay wararka sheegaya in xukuumada tukrigu ay wado qorshe ah in wada hadaladii Somaliland iyo somaliya loo bedlo wada hadalo dhex mara labada madax dhaqameed ee labadaasi dal

Waxaa uu sheegay in madax dhaqameedku ay ugu tudhaalo badan yahiin dalka siyaasiyiinta arintaasi ka Hadley.

Sidoo kale waxaa uu suldaanku uu duray isla markaana hadlo maahmaahyo kaga fal celiyey qaar ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland oo arintaasi ku sheegay in ay tahay mid xaraan ah waxaa uu madax dhaqameedkaasi ku fasiray qaar aan indhahu u dilaac saneen isla markaan qaar ka mid ah hotelada hargeysa Geesna u dhaafin

Halkan ka dhegeyso Codka Boqorka
[sc_embed_player fileurl=”http://warsugannews.com/wp-content/uploads/2015/08/Boqor-Buurmadow-Warsugannews.mp3″]

21

31

41

51

61

71

81

91

101

111

121

131