Bulshada Oo Ku Dhaga Barnawday Xilalka Cusub Ee Xisbiga WADDANI iyo Balan Qaadyada Is Daba Joog Ah

0
519

Bulshada Oo Ku Dhaga Barnawday Xilalka Cusub Ee Xisbiga WADDANI iyo Balan Qaadyada Is Daba Joog Ah

Hargeysa(Warsugan) Guddoomiyaha xisbiga Waddani, ahna musharaxa, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ballan qaaday inuu kursiga guddoomiyaha Waddani bannayn doono marka uu xilka ku guulaysto 45 cisho kadib. Waxa sidaasi lagu qorayaa xeerka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, kaas oo la filayo in shirweynaha shalay furmay lagu ansixiyo.

Bulshada Somaliland ayaa ku dhego barjawday balaadhinta xilalka hoggaanka xisbiga oo dhawaan la sheegay in guddoomiye Cirro kursigiisa ku wareejinayo beesha degta gobolka Hawd, loona badinayo xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, halka wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan laga dhigayo xil ah hoggaamiyaha xisbiga. Xilalkaasi ayaanay bulshadu kala fahmin awoodaha ay yeelanayaan.

Hase ahaatee, xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa sheegay in xeerka xisbiga lagu qoray xilliga Musharax Cirro wareejinayo kursiga guddoomiyenimo “Sidaanu xeerka ku qornay waxa weeye in guddoomiyenimada lagu wareejiyo marka madaxtooyada lagu guulaysto 45 cisho kadib, sidaas baanu ku ansixin doonaa,” ayuu yidhi mudane Uurcadde.
Xoghayaha ayaa sheegay in guddoomiye Cirro awoodihiisa ka kacay, balse aanay cidna kula tartamayn jagada guddoomiyaha. Waxa uu sheegay in shirkan lagu ansixinayo in awooddaha guddoomiyaha iyo hoggaamiyaha si ku meel gaadh ah loo wareejinayo marka xisbigu guulaysto kadib balse lama saadaalin karo cidda ku guulaysan doonta doorashada horraanta 2017-ka.

Bulshada Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku jaahwareersanayd awood qaybsiga deegaamaysan ee xisbiga Waddani sameeyay iyo sida ay awoodda u kala qaybsan doonaan musharax Cabdiraxmaan Cirro, xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo guddoomiyaha loo wado iyo hoggaamiyaha oo loo asteeyay Xirsi Cali Xaaji Xasan laakiin, qodobadan xeerka lagu qoray ayaa muujinaya in saami qaybsigu ku salaysan yahay mustaqbalka dambe ee xisbiga, kuwaasi oo la eegi doono marka xisbigu ku guulaysto doorashada soo socota ama ku guul daraysto.

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office