Burnley Waa Kuwo Khatar Ah – Tababare Guardiola Oo Walaac Ka Muujiyay Rikoorka Burnley Ee Kooxaha Waaweyn.

0
394

waaxa qorey yaasir yare

Macallinka kooxda Manchester City mudane Pep Guardiolla ayaa ciyaartoydiisa uga digay kooxda sannadkaan soo dallacday Burnley isagoo u sheegay inay kooxdani mar walba khatar ku tahay kulamada kooxaha waaweyn.

Guardiolla ayaa sidoo kale ka warwarsan in Clarets ay doonayso inay kusoo laabato wadada guusha kaddib markii ay todobaadkii hore 4-0 lagusoo garaacay kulan ay la yeesheen kooxda West Brom isla markaana kulankan xilli qadada dhici kaas oo ka dhici doona garoonka Turf Moor uusan noqon doonin mid sahal ah.

“waa kulan derby ah , waxyaalo badan ayuuna xambaarsan yahay. marnaba ma illawsanini inay tumeen Liverpool waxayna khasaareen daqiiqaddii 93aad kulankii Liverpool sidoo kalena ay bareejo kusoo galeen Old Trafford” Guardiola ayaa kulankaan kahor  saxaafadda u sheegay

“waxay qabteen shaqo adag waxaanan la khushuucsanahay tayadooda iyo awoodooda ruuxiga ah ”

“Dabcan kulankii ugu danbeeyay ku hor guul darraysteen 4-0 , waxaanan qiyaasi karaa waxa dhici kara marka aad la ciyaarayso koox looga soo badiyey 4-0 .  aad ayay u feejignaan doonaan diirada ayayna saari doonaan kulankaan”. sidaas ayuuna Guardiola hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.