Cadaabtii Ifka [Jigjiga] Nin Sideed Sano Ku Xidhnaa Xabsiyadda Magaaladda Jigjiga Oo Ka Xog Waramay Dhacdooyin Dhex Maray [Cabdi Iley]

0
369

Cadaabtii Ifka [Jigjiga] Nin Sideed Sano Ku Xidhnaa Xabsiyadda Magaaladda Jigjiga Oo Ka Xog Waramay Dhacdooyin Dhex Maray [Cabdi Iley]

[800 oo maxbuus] Ayaa La Qaawiyey Oo Meel La Isugu Keenay Ayaa Is Qabqabsada La Yidhi, Seedi, Sodog, Waa Eheladii, Waa Walaal Nin Walba… Maxamed Faarax Xasan

Hargeysa (Warsugan) Nin asal ahaan ka soo jeeda degaanka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya oo lagu magacaabo Maxamed Faarax Xasan oo ku xidhnaa jeel ku yaala magaaladda Jigjiga ayaa ka waramay dhacdooyin uu kala kulmay madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) mudadii uu ku xidhnaa jeelka iyo xog waran qoto dheer oo uu kaga hadlay waxyaabihii uu jeelka kula kulmay.

Waraysi dheer oo murugo badan ayaa waxa la yeeshay Weriye Cali Xaraar oo ku sugan dalka Maraykanka, waxanu waraysigu u dhacay su’aalo iyo jawaabo xanuun badan.Ugu horayn waxa uu waydiiyey S. Maxamedow markii u horaysay ma maraykan ayaad joogi jirtay?
J. Haa.
S. Goormaad soo gashay Maraykanka?
J. Waxa aan soo galay 1995 bishii sagaalaad 7-deedii.
S. Goormaad Itoobiya ku noqotay oo lagu xidhay?
J. labadii kun iyo lixdii bishii lixaad 22-keedii ayaan ka duulay garoonka Minneapolis International airport Itoobiyana waxa aan tagay isla maalinkaas, waxa la i qabtay August 26-keedii.
S. Xagee lagaa qabtay?
J. Magaaladda Jigjiga.
S. Yaa ku qabtay.
J. Waxa i qabtay hogaankii habeenkaas isaga laftiisa la doortay ninkan hada madaxweynaha ka ah Cabdi Iley iyo komishankii booliska wakhtigaas.
S. Xagee lagu geeyey markaa?
J.Jeel degmada ku yaalay ayaa la i geeyey Habeen ayaa la yidhaahdaa
S.Markii meeshii lagu geeyey maxaa lagugu eedeeyey
J. Runtii markii wax i eedeeyey ma jirin mudo ayaan meesha ku xidhnaa, mudo saddex bilood ah markaan ku xidhnaa oo wax bini’aadama oo i eedeeyey aanu jirin ayuu isagu uu yimi (Cabdi Iley) wuxuu yidhi waxa aanu kuu haysanaa inaad taageertay ururka ONLF. Sidaas ayuu i sheegay
S. Ka Maxamed ahaan adigu markii aad Maraykanka joogtay inaba miyaad ka tirsanaan jirtay ururka ONLF?
j. Anigu ururka ONLF qalbi ahaan runtii aad ayaan u taageeray qalbiga ayaan ka jeclaa laakiin nin hubaysan maan ahayn hub maan qaadan nin maamulkooda ka mida maan ahayn waxa aan ahaa kaliya dadka jecel inay xoriyada gaadhaan.
S. Adiga markii lagu qabtay eeda laguu soo jeediyey miyaa lagugu yidhi qalbiga ayaad kala socotaa ONLF mise waxa lagu yidhi askari ka tirsan ama jabhad ka tirsan ONLF ayaad tahay?
J. Waxa laygu yidhi jabhad ka tirsan ayaad tahay hogaan ayaad tahay hogaanka abaabulka ayaad tahay hogaanka xidhiidhka dibada ayaad u tahay waxyaabo noocaas ah oo aan iskeeni Karin ayaa igu eedeeyeen.
S. Imisa ayaad ku jirta xabsigaa?
J. Waxa aan ku jiray wakhtigaa hore saddex sano iyo sagaal bilood
S. Saddexdaa sano ee aad xabsiga ku jirtay maxaa dhibaatooyina oo aad ka cabanaysay?
J. Laba qaybood ayuu xabsigu ahaa markan hore saddex sano iyo sagaal bilood ayuu ahaa dhibaatooyin aad u fara badan ayaa i soo gaadhay waxa i soo gaadhay jidh dil, waxa i soo gaadhay qaawin, waxa i soo gaadhay hanjabaad waxa i soo gaadhay runtii maskaxdayda oo isbadal wayn ku dhacay oo aan arkaayo waxyaabo xun xun oo fara badan oo hortaada kolkii lagu samaynayo dhib aad u badan is badal wayn ayaa kugu dhacaya.
S. Tan adiga ku soo gaadhay dharka ayaa lagaa saari jiray
J. Haa waa la i qaawiyey dharka ayaa la iga saaray
S. Waa lagu gaaracayaa miyaa?
J. Waa la i garaacayaa, elektarig (laydh) ayaa laygu qabanayey
S. Markaa maxaa lagu leeyey?
J. Wax qiro ayaa la i leeyahay wax uun qiro, waxba ma ihi anigu, waxaad ahayd sheego.
S. Markaa wiigii imisa jeer ayaa lagu garaaci jiray
J. Wiigii waxa la i garaaci jiray ilaa laba jeer “mudo saddex sano iyo badh ah “
S. Dadka kale ee xabsiga kugula xidhnaa maxay qabayeen iyagu oo aad indhahaaga ku arkaysay?
J. Dhibkaas oo kale ayey qabeen, kufsi ayaa dumarka la kufsanayey waa la dhacayey waxay hanti ay haystaan qaraabadood ayaa loo diidanayaa inay u yimadaan aad iyo aad ayey dhibaatadaasi u haysatay oo taa aniga i haysta oo kale ayaa haysata.
S. Saddex sano iyo badh kadib xabsiga waa lagaa saaray?
J. Saddex sano iyo badh kadib xabsigii waa layga saaray nin wasiirka cadaaladda ahaaba warqad soo qoray wuxuu yidhi markaa ninkani wax lagu dacwayn karo ma jirto aniguna waraaqo ayaan gaystay Fadaraalka wasaaradda cadaaladda, human right-kooga warqad ayaan u diray, wasaaradda arrimaha gudaha warqad ayaan u dirsaday oo ay eheladaydu ay u direen markaa kadib ayaa waxa ii yimi nin madaxweynihii [xiligaa) nin uu soo diray uu yidhi ka baad AIDs tii ayaan waxooga hadala isaga ku idhi wuu ka xanaaqay oo aan idhi waar isaga ayaanay islaantiisu Islaam ahayne isaga halaga baadho tii ayaa warbaahinta u sheegay. Nin Maraykan qunsul u ah ayaa meesha iigu yimi markaa kadib ayaa waxa ay iga badaleen jeelkii waxa ay i geeyeen jeelka wayn; intii aanay jeelka wayn i gaynin qunsulku waxa uu ii sheegay in laysii daynayo jeelkii ayey duba ii badaleen iyaga oo igu dhuminaya wuu ka war helay meshii ayuu iigu yimi markaa waa laysii daayey waxa aan u cararay Addis Ababa laba saddex bilood ayaan meesha joogay way i soo xadeen! Mar labaad ayey jeelkii igu soo celiyeen markaa wax cida oo iga war haysay ma jirin eheladaydii way diideen inay i arkaan cid walba oo aniga i soo raadinaysay way ii diideen dhibaatooyin fara badana way ii gaysteen.
S. Xabsigii hore miyaa lagugu celiyey mise xabsi kale oo cusub ayaa lagu geeyey?
J. Xabsi kale oo ka badalan ayaa la i geeyey.
S. Kii hore iyo kan keebaa dhib badan markaa? Maxa isna lagugu sii gaadhsiyey?
J. Kan danbe ayaa dhib badnaa. Waxa laygu gaadhsiiyey god yar oo laba mitir ah ayaa la i geeyey sagaal habeen ayaan kaligay ku jiray wax cunto ahi iigumay imanayn wax aan ka ahayn rooti qalan oo yar iyo biyo, markaa kadib saddex iyo toban ruux ayaa godkii kaligii joogay lagu soo xareeyey cidhiidhi iyo dhib badan huur badan, kulayl badan, ciqaab badan iyo fadhi badan meel aad istaagto lahayn, meel aad fadhiisto lahayn, meel aad seexato lahayn dhibaatooyinka faraha badan ayaa mudo lix bilooda aan ku jiray kadib way iga saareen jeelkii ayey i geeyeen. Jeelku sidiisaba saddex qaybood ayuu u kala yaala qayb ciqaabta ah, meel dadka siyaasadda u xidhan ay ku xidhan tahay oo isna ciqaab labaad ah oo dadku ay ku badan yihiin dadka qolol yar yar ayaa lagu xaraynayaa daaqadaha waa laga alxamaya afar iyo labaatankii saacad laba mar ayaa la soo kaadisiinayaa salaada subax ee hore iyo makhribka inta kale meeshaas ayey ku jiraan dhibkaa faraha badan ayaa igu qabsaday meesha.
S. Intaa kadib maxaa dhacay?
J. Waxa dhacay habeen habeenada ka mida ayaa meesha aan ku jiray sideed boqol oo ruux ayaa guryihii laga soo saaray oo rag ah sideedii boqol waa la qaawiyey gabigoodaba inta la qaawiyey oo meel la isugu keenay ayaa is qabqabsada la yidhi, seedi ayey leeyihiin, sodog ayey isu yihiin, gabdhihii ayey kala qabaan, waa eheladii, waa walaal nin walba meeshaa ayaa lagu qaawiyey. Ta kale ee dhibaatooyinka jira maxaabiista laftoodii ayaa laysu diraya maamul ayaa loo samaynaya gurigiiba laba nin ayaa maamulaysa labadaa nin waxay samaysanayaan shan nin, todobaa ruux heer waxay heli karaan ay ruuxa maxbuuska ah iyaga oo maxaabiis ah ay dilaan. La soco qaybta labaad oo uu Maxamed kaga waramay muuqaal uu sheegay inuu ku xasuustay maalinta qiyaamaha, gaar ahaana inay maalinta aakhri kala ordaa walaalaha, waalidka iyo saaxibadu.

Xigasho Wargeyska Warsugan