Calaf waa halkiisa ! Qaybtii 2aad.

0
532

Calaf waa halkiisa !
Qaybtii 2aad.
Maxamed Siddiiq Dhamme.
Giire intaanu dalka ka bixin wuxuu si waayeelnimo ula faqay walaashi Haweeya, wuxuu ka codsaday wiilkiisa Sugulle ee hadda ka baxay Jaamacadda in laysku daro Gaarida boqol kala baxda ah ee uu abtiga u yahay. Wuxu ka warramay siday u cajab gelisay Nagaad dhaqankeeda iyo dadnimadeedu u tahay lama helaanka. Wuxuu Giire qorsheeyay walaashi Haweeyana usoo bandhigay inanka iyo inanta in laysku daro xaggaaga danbe. Haweeye arrinkaa aadbay ula dhacday unasoo dhaweysay, walalkeeda aadbay u jeceshahay ixtiraam badan iyo wanaagna way u haysaa.

Giire qoyska Haweeya oo agoon ahaa wuxuu ku leeyahay abaal lama ilaabana, maanta ilaa maalintii dalka lasoo galay wuxuu ahaa gaashan ku dayran, xannaano iyo xoolo siinba isagaa masruufi jiray oo u ahaa aabbe noloshooda ka war haya. Nagaad abtigeed aadbay u jeceshay waanay ku dhaadataa, xogogaalbay u tahay kaalinta uu ugu jiro abtigeed. Jaamacadda ilaa dugsiga hoose dhexe waxbrashadeeda waxa lasoo dabbaashay abtigeed. Wuxuu ahaa qof naxariis badan taakulada iyo kaalmada qoyskana u diran. Sannad kasta qofka kasoo dhoofaya Kanada ee imanaya dalka hooyo wuxuu ugusoo dhiibijiray alaabooyin hadba waxay u baahato.

Arrinkaa Nagaad umuu sheegin abtigeed waanu kala qajilay, si sarbeebase u dareensii lexejecladiisa iyo dareenka waalidnimuu u hayo, sheekooyin waayeel iyo hoga tusaalayn horumarka nolosheeda tilmaamayuu la wadaagi jiray markay sheekaysanayaan habbeenkii. Wuxu uga warrmi jiray dhibta qurbaha taala, sida noloshu uga duwantahay ta dalka. Beryuhuu dhoofay halgankii uu galay si uu kaalinta qoyska u qaato. Ubadkiisa ayuu uga warrmi jiray intabadanna Sugullo curadkiisa ahaa ayuu uga sheekayn jiray inuu yahay nin qiimobadan oo xilkasa. Mararka uu la soo hadlo wiilkiisu wuxu ugu dhiibi jiray telefoonka si uu u xoojiyo barashada qoysnimo, gabadhiisu waxya ahayd oori baariya oo deggen, labada qoysna xidhiidh dheerbaa ka dhexeeyay oon ahayn bilaw hadda.

Fasaxii waxa ka hadhan shan caana maal Giire werwer badanbaa ku abuuran, wuxu jeclaa inuu la joogo in kabadan bisha uu joogay, farxadda uu ka helay qoyskana miduu ilaabi doono maaha, habbeenadii u danbeeyay Nagaad abtigeed gaadhiga shidhka hore kamay dege jirin, wuxu hadba usoo iibin jiray labisyada ay jeceshay. Hadyado aad u qaaliya ayuu u hibeeyay Nagaad abtigeed. Bishaasi waxay uga duwanayd waqtiyo badan oo ay soo jirtay, kaalintii aabbaheed oo aanay aragbu galay abitgeed.

Xidhiidhkii Naaleeye wuxuu galay sagsaag iyo mashquul aanu uga baran weligii, wuxuu ahaa rixim caqlibadan muu cannan jirin duruufaha lasoo dersay iyo mashquulka badana waxba uma arki jirin, wuxuu ku niyad samaa farxadeedda ay ku jirto Nagaad. Habbeenada qaar iyagoon wada hadal ayay kala seexan jireen, maalintiina way kala mashquulsanan jireen, culays isaga kuma hayso wuu ku niyad sanyahay. Intabadan waxay wada hadli jireen habbeenkii markuu suuqa ka yimaado caweyska, maalintii markuu soo rawaxo duhurkana kolkolbay xidhiidhi jireen waxaanay intabadan ku kala maqnaan jirin Facebook-ga madaama khadka subixii Naalleeye laga waayi jirin.

Arooryadii hore Jimce barkhadlii fasaxu kaga dhamma ayay sii galbiyeen Nagaad iyo hooyadeed Haweeye abtigood oo ku guryo noqonaya carrigii Kanada, boholyoow daraadii way wada ilmeeyeen sidiiyoo aanay dub isu arkayn, gaadhigii lagu qaaday way is baal fadhiyeen Nagaad iyo abtigeed intii Madaarka loosii socday Giire waano iyo dardaaran waayeelbu kusii wacdiyeey inantuu abtiga u yahay. Barxadda hore ee Madaarka Cigaal ayay sawiro jaadba jaada kusii galeen, duco safar ayay faraqa ugu gunteen Nagaad iyo hooyadeed abtigeed Giire. Soddon daqiiqo markay Madaarka taagnayeen ayay diyaaradii ka haaday Garoonka oo hawada gashay.

Giire nabad qabbu Alle ku geyay gurigiisi, hadyado macmacaan u badan oo uu dalka kasii qaaday ayuu siiyay carruurtiisi, Sugulle oo ka maqna guriga markuu aabbihi yimi ayaa soo galay qolkii fadhiga, aabbihi ayu laabta geliyay is gacan qaad iyo bariido aad moodo inay kala maqnaayeen sannado badan ayay isku boobeen. Cabbaar markay fadhiyeen ayuu ugu warramay dalkii sidii lagu ahaa, horumarka Hargaysa ka jira, dhismayaasha dhaadheer, nabad gelyada lacagaha suuqa wadhan, dahabka iyo doollarka aan askari ilaalinayay ee suuqayada lagu gadaayo. La socoo……………..