Cali Guray Oo Iftiimiyay Fursado Xildhibaan Kijaandhe Ugu Guulaysan Karo Musharaxa Kulmiye

0
338

Cali Guray Oo Iftiimiyay Fursado Xildhibaan Kijaandhe Ugu Guulaysan Karo Musharaxa Kulmiye

Hargeysa(Warsugannews)Cali Guray Oo Iftiimiyay Fursado Xildhibaan Kijaandhe Ugu Guulaysan Karo Musharaxa Kulmiye
Mujaahid Cali Guray, ayaa ku dooday inaan la yaraysan karin musharaxnimada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo shalay ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay musharaxnimada madaxweyne ee Kulmiye.

Cali Guray ayaa rumaysan inuu Kijaandhe ka dhex faa’iidaysan karo musharaxiinta loolamaya oo aan iyagu isku tanaasulayn, islamarkaana aan wali ku kala guulaysan taageerada beeshooda

“Wax walba ka yaab! Dr kijaandhe musqaro maaha. kuwa ugu rejeda fiican in uu ka mid yahay ayaan rumaysanahay,” ayuu yidhi Cali Guray oo bartiisa Facebook arrintan ku falanqeeyay.

Isagoo ka sii hadlaya sababta waxa uu yidhi

“ Intay saddexdani(Muuse Biixi, maxamed Biixi iyo Samaale) isku mashquulasan yihiin way dhici kartaa marka khaati laga joogsado inuu noqdo ka keliya ee la isugu tagi karo mar hadii aanu odaygu kala furan karayn oo aanu lahayn kuligiinaba jooga aniga ayaa taagan eh. Gaar ahaan saddexda ilma adeerka ah inay isu tanaasulaan waxa ka dhaw inay u tanaasulaan Dr Axmed Kijaandhe balse lagama yaabo inay iyagu isu tanaasulaan,” ayuu yidhi Cali Guray.

Cali Guray oo arrintan ka sii hadlaya waxa uu yidhi “Reeraha waawayn ee kale laftooda waxa jira sababo kala duwan oy kijaandhe ku taageeri karaan siba Garxajis, Dhulbahante, Warsangeli, iyo Ciise. Markaa Habar Awal, Habarjeclo, iyo Gadabuursi ma ka heli karaa taageero xubnaha kaga jira Golaha Dhexe ee Kulmiye? Shakhsi ahaan waxan is leeyahay ku qadi maayo mar hadii aanu jirin musharax kale oy ku midaysan yihiin. Markaa saaxiibkay Kijaandhe dab yar ma shidayo.”

Xildhibaan Kijaandhe, ayaa munaasibad uu shalay Hargeysa ku qabtay ku shaaciyay musharaxnimadiisa, isagoo sheegay inuu rajo weyn ka qabo ka midho dhalinta hankiisa madaxweynenimo.

warsugannews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here