Cali Guray Oo ka hadalay dhawaaqii Madaxweyne Siilanyo ka sheegay Madaarka Hargeisa shalay mar uu safar Ka Soo laabtay

0
573

Cali Guray Oo ka hadalay dhawaaqii Madaxweyne Siilanyo ka sheegay Madaarka Hargeisa shalay mar uu safar Ka Soo laabtay.

Hargaysa (warsugannes)Hadalka Madaxwaynuhu sidii muruqii laba suul ninba si ku ahaa. Muu cadayn inuu isagu murashax yahay iyo in aanu ahayn. Wuxu kaga muquurta goorteed iyo ha la gaadho. Wuxuse sheegay in si cadaalad ah xisbiga dhexdiisa loogu tartami doono. Yaa tartamaya? intii aan la tartanteen isaga hadii uu isa soo sharaxayo, marka si dadban wuxu u sheegay in isagu aanu musharax ahayn.

Sababta uu uga warwareegayo in wakhti hore cadeeyo ayaa noqon karta sababo mid ka badan iyo xaaladda cakiran ee xisbiga dhufayska isugu wada jira ee kalsoonidii hogaankiisa iyo kaadariintiisa dhexdoodu dhimatay oo hadii ay xalka keliya noqoto oo ay ku kelifto uu isaga laftiisu

isa soo sharixi karo uu noqon karona murashaxa keliya.

Markaa kaalinta odaygu waxay noqon kartaa in isagu saaxadda lagu tartamayo uu qaado masuuliyadeeda inay noqoto mid ay u gudboon yihiin tartamayaasha oo dhami kuna ilaaliyo ku dhaqanka Xeerka Xisbiga cidii wax ka baxsan la timaadana uu siidhiga ku afuufo. Taas oo keeni karta in Bamkii mudaysnaa ee dhag dhag dhag tiisa dhegaheena soo gaadhayeen uu fuyuuska ka saaro ka hor inta aanu qarxin.

Waayo hadii uu ku dhex qarxo maaha in uu xisbiga uun dhexdiisa ku qarxayo ee xukuumadda lafteeda ayaan ka badbaadi doonin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here