Cali Khaliif Galaydh Oo Sheegay Inay Wada La Galayo Somaliland

0
405

Cali Khaliif Galaydh Oo Sheegay Inay Wada La Galayo Somaliland

Shirka Balicad ee uu gadh-wadeenka ka yahay Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ah hoggaamiyaha kooxda Khaatumo, ayaa sheegaya inuu siyaasigan is bedelka badani soo dhex dhigay shirka in wada hadal lala furo dawladda Somaliland. Cali Khaliif Galaydh, ayaa aragtidiisan ku soo bandhigay qoraal uu shirka u qaybiyay kaas oo uu raaciyay sida uu tallo ahaan soo jeedin lahaa in wada hadalka lala furayo Somaliland lagu waajaho. Wararka uu Geeska Afrika helay waxay sheegayaan in qoraalkiisa uu Cali Khaliif ku soo jeediyay in la dhiso guddi wada hadalka uga qayb gasha Khaatumo oo guddoomiye looga dhigo Dr. Cali Ciise Cabdi islamarkaana guddiga wada hadalka laga reebo isimada, cuqaasha iyo dhammaan kooxda Khaatumo. Waxa kale oo uu qoraalkiisa oo ahaa mid laga ilaaliyay inuu baxo ku qornaa in Puntland ay meesha ka sii baxayso oo ay burbur qarka u saarantahay.

Hase yeeshee markii ergada shirka ku sugnayd loo qaybiyay qoraalka Cali Khaliif, waxa madasha ka dhex istaagay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ganafka ku dhuftay aragtida uu Cali Khaliif soo bandhigay, isagoo aad u naqdiyay soo jeedintaas. Waxa isna madasha ka hadlay nin kale oo lagu magacaabo Cabdule Cagalule, waxase aragtida Cali Khaliif u guuxay laba nin oo lagu kala magacaabo Garaad Mashqare iyo Cabdirashiid Caano-boodhe oo taageeray aragtida uu siyaasigani soo bandhigay ee ah in wada hadal lala furo Somaliland.

Waxaanay labadii caano maal ee u dambeeyay xiisad siyaasadeed hadhaysay shirkii Balicad ka socday oo ay ka baxeen ergo kala duwani.

Cali-Khaliif

Dr. Cali Khaliif Galaydh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here