Cali Khaliif Galaydh Waa Nin Da’ah Oo Hadana Doonaaya Inuu Dhulbahante Salaan Uu Damaciisa Ku Gaadho Ka Dhigto” Wasiir Xaglatoosiye

0
1155

“Cali Khaliif Galaydh Waa Nin Da’ah Oo Hadana Doonaaya Inuu Dhulbahante Salaan Uu Damaciisa Ku Gaadho Ka Dhigto” Wasiir Xaglatoosiye

Buuhoodle(Warsugannews) – Wasiirka caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo safar shaqo ku jooga degmada Buuhoodle ayaa ka waramay socdaalkiisa Buuhoodle, waxaanu ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha wakiillada Somaliland.

Dr. Xaglatoosiye oo ugu horeyn ka hadlaya ujeeddada socdaalkiisa Buuhoodle ayaa yidhi “Sida aad la socotaan waxa aan joogay gobolka Buuhoodle, gaar ahaan magaalada Buuhoodle, safarkaygu waxa uu la xidhiidhay inaan ka hor tago koox qas-wadayaal ah oo doonayay inay Buuhoodle ku qabsadaan shir, run ahaantiina ay waxyeeleeyaan nabadgalyada Buuhoodle oo muddaa labada sanno iyo badh ka ahayd ee Somaliland joogtay aan wax dhibaato ahi ka dhiicin, Alle waa igu guuleeyay oo way ka baxeen, laakiin haddana may fogaane meel Balacad la yidhaahdo ayay shirkoodii ula guureen, Somalilandna yeeli mayso cid kasta oo doonaysa inay wax u dhinto nabad galayada…”

Wasiir Xaglo-toosiye oo u duur-xulaya Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo kooxaha taabacsan ayaa hadalkiisa ku daray “Kooxdaasi waxa ay ka soo duushay magaalada Xamar ee dalka Soomaaliya, waa nasiib daro in Soomaaliya oo wada hadal inaga dhexeeyaan ay si ku dayeyso inay nabadda Somaliland carqaladayso, waan cambaaraynayaa Maamulka Xasan Sheekh, waxa ay ka soo duuleen Xamar waxaanay yimaaddeen Buuhoodle, balse Buuhoodle oo magaalada ugu wayn ah deegaankan waa laga saaray, meelaha ay imika u guureenna waa laga saari doonaa…” ayuu yidhi Wasiirka caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Ciise Axmed.

Wasiir Xaglatoosiye waxa uu ka hadlay garoon Macmalka ah ee diyaaradaha ee ku yaala magaalada Buuhoodle kaasi oo khatar ku ah nabad galayada Somaliland, isagoo Wasiirku sheegay inay cid kasta oo Somaliland hagardaamo la doonaysaa ka soo degto “Garoon ayaa meesha ku yaala, garoonkaasi maamul ma leh, raadaal ma leh, waa garoon halis ku ah nabad galayada Somaliland…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey oo uu ka hadlay diyaarad toddobaadkii hore ka soo degtay halkaasi, taasi oo la sheegay inay Saanad-ciidan u sidday kooxda Cali Khaliif Galaydh “Wixii ay diyaaradaasi sidday sida ay sirdoonka Somaliland noo sheegeen Cali khaliif wuxuu ula guuray halka uu imika u baxay, laakiin waanu ognahay oo waa inuu Somaliland qaso…”

Wasiirka oo la waydiiyey sida uu u arko shaqsiyadda Cali Khaliif Galaydh, ayaa ku jawaabay “Cali Khaliif waxaan u arkaa, waxa jira xagga dhaqanka Awr la yidhaahdo BAN KA QOOQ, waana awr aan geel haysan (La Joojin) oo haddana qooqay, kaasi ayuu la mid yahay Cali Khaliif, waa nin wayn waa in da’ ah, meesha uu wax ka raadinayana waxba uguma jiraan, Cali Khaliif waxa uu doonayaa inuu Dhulbahante ka dhigto salaan uu meel sare ku gaadho, Dhulbahantana noqon maayo salaan meel sare lagu gaadho. Cali Khaliif waxaan leeyahay iskaga bax arimahaasi, inaad hub keento iyo inaad nabadda carqaladayso waxba kaagama baxaan, nabad galayada bulshada deegaanka ayaa leh..” ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey “Siyaasaddiisu waa siyaasad majara habawsan…”

Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye waxa uu sheegay inuu Buuhoodle u tagay inuu ka saaro kooxda nabad diidka ah ee uu hoggaaminayo Cali Khaliif Galaydh, isla-markaana ku guuleystay “Somaliland mabda’eeda koowaad waa nabadgalyo, anigoo wasiirkii caafimaadka Somaliland ah ayaa halkan imid, saacad igumay qaadateen inaan Buuhoodle ka saaro (Galaydh), laakiin annaga oo nabadda eegayna ayaanu qaadanay siyaasad uu isagu kaga bixi karo, annagoo talaabo qaadin ayay dadku fahmeen oo ay iska saareen…”Wasiirka caafimaadka Somaliland, waxaanu intaasi raaciyey oo uu ka jawaabay hadallo safarkiisa lid ku ahaa oo ka soo yeedhay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiillada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax, kuwaasi oo nuxurkoodu ahaa inaan Xaglo-toosiye waxba ka qaban karin ololayaasha colaadeed ee Galaydh ka waday Buuhoodle “Runtii waan dhagaystay guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka oo ka hadlaya imaatinkayga Buuhoodle, halkan waxaan ku imid tallo qaran, waxaan ku imid amar madaxwayne, waxaan hadda ku joogaa tallo qaran iyo amar madaxwyane, anigu reer Buuhoodle ayaan ahay way kala duwan tahay marka madaxwyanuhu ii diro iyo markaan shaqsi ahaan ku imaado, Buuhoodle waa Somaliland waadigii arkayay sidii la iigu soo dhaweeyay Buuhoodle. Buuhoodle tallo qaran uma baahna ee waxa tallo qaran u baahan Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlaamaanka Somaliland…”

Wasiirka oo sii hadlay ayaaa sheegay “Jagada Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ayaa u baahan talo qaran, waan ka xumahay inuu beeneeyo hadalkii wasiirka warfaafinta, waan ka xumahay inuu u hadlo sidii uu yahay guddoomiye ku xigeenka baarlamaaka Soomaaliya, waan ka xumahay inuu difaaco Cali Khaliif iyo kooxdiisa.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Buuhoodle waxaan u joogaa inaan dadka wacyi galiyo, inaan dadka la tasho, waxa ka go’an deegaanka Buuhoodle inay nabad galyo hirgaliso, dadkuna waxa ay diyaar u yihiin midnimo, horumar iyo nabad. Haddii aynu nahay Reer Somaliland waxa aynu u baahanay midnimo, waxa kale oo aan shacabkayga farayaa inay u hiiliyaan midnimada, inay diidaan shaqsi kasta meel uu doono ha joogaane, Somaliland maanta waa dalka ka jira khaladkii aynu lixdankii galnay waynu ka soo noqonay, cidkasta oo doonaysa inaynu galo khaladkii aynu galay lixdankii aynu meel uga soo wada jeedsano…”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here