Cali Khaliif Oo Ka Hadlay Safarkii Wasiir Xaglo-toosiye Ku Tegay Buuhoodle

0
433

Cali Khaliif Oo Ka Hadlay Safarkii Wasiir Xaglo-toosiye Ku Tegay Buuhoodle

Hargeysa (warsugannews) Cali Khaliif Galaydh oo ku magacaaban Madaxwaynaha kooxda la baxay Khaatumo, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay safarkii wasiirkii Caafimaadka Somaliland ku tagey Magaalada Buuhoodle, waxaanu safarkaasi ku sifeeyay riwaayad laga soo sameeyay Hargeysa.

Galaydh oo saxaafadda kula hadlay deegaanka Balicad oo uu u guurey markii laga saaray Buuhoodle, ayaa sheegay in intii uu ku sugnaa Muqdisho ay u Suuro-gashay in Xukuumadda Dhexe ee Soomaaliya ay u ogolatay Maamulka Khaatumo inuu noqdo maamul-goboleed; wixii horumar ahna ay Qaybtooda ku leeyihiin.

Sidoo kale, Galaydh ayaa ku dooday in Gaadiidkii iyo dadkii Wasiirka Cafimaadka Somaliland ku soo dhaweeyay Buuhoodle ayna ahayn kuwo Somaliland leedahay, balse ay ahaayeen kuwo Puntland laga leeyahay, isagoo intaas ku daray inuu xidhiidh ka dhexeeyo Somaliland iyo Puntland “Kuwa Hargaysa kasoo diray Xagla-toosiye Waxay wadaan Ruwaayad ay u dhigayaan dadkooda; isaguna Ruwaayadaas ayuu u yimid ee Annaga wax dhib ah naguma hayaan..” ayuu yidhi, Dr. Cali Khaliif Galeydh.

Ugu dambeyn, Waraysiga Madaxwaynaha Khaatumo ayaa kusoo begmay xilli uu ku sugan yahay deegaanka Balicad oo Qiyaastii 60-KM dhinca Koonfur-bari kaga aaddan degmada Buuhoodle oo la saadalinayo inay xarun u noqon doonto kooxdiisa Khaatumo, kaddib Weerarro dhowr ah oo ciidamada Somaliland uu la beegsadeen tuulada Saax-dheer oo hore xarun ugu ahayd Khaatumo

warsugannews
Hargrysa/Office
warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here