Caqabaddo Horyaalla In La Meel-mariyo Xil Ka Xayuubinta Donald Trump

0
483

Caqabaddo Horyaalla In La Meel-mariyo Xil Ka Xayuubinta Donald Trump

Washintong 28 September (Warsugan)-Siyaasiyiinta Dimuqraadiga ayaa u ololaynaya in la furo baadhitaan horseedi kara xil ka xayuubin lagu soo oogo madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

Hadii arintaasi meelmarto waxay keeni doontaa in madaxweynaha xilka laga qaado, laakiin waa arin ay aad iyo aad u adagtahay meelmarkeedu, marka weliba la eego kala qaybsanaanta siyaasadeed ee dhex taal xisbiyada Washington.

Nancy Pelosi, oo xubin sare ka ah Dimuqraadiga, ayaa mar hore ka hor timid xil ka xayuubin la soo jeediyey, iyada oo malaha ka baqaysay in arintaasi xubnaha dhexdhexaadka ah ee Dimuqraadiga caqabad ku noqon karto marka la gaadho doorashooyinka 2020, sidaana xisbigeedu ku waayi karo aqlabiyadda uu aqalka wakiilada ku haysto.

Waa maxay sababta ay u adagtahay meel marinta xilka xayuubintu?
Way adagtahay in madaxweyne xilka haya laga xayuubiyo sababtuna waxa weeye hanaanka loo maro oo adag. Waxa muhiim ah in labada Aqal isku raacaan.
“Aqalka Wakiilada waxa looga baahanyahay aqlabiyad hal dheeri ah. Gole Dimuqraadigu aqlabiyadiisa haystaana way u fududahay inuu madaxweyne xilka xayuubin ku oogo, weliba mid Jamhuuri ah hadii ay hayaan dambiyo cadcad oo muujinaya inuu ku takrifal awoodeed ku kacay.” Ayuu yidhi Johathan Turley, oo ah borofesor sharciga ka dhiga jaamacadda George Washington oo BBC-da la hadlay.
Marka xigta Aqalka Sentate-ka ayaa eegaya in Madaxweynuhu dambiga lagu eedeeyey galay iyo in kale, oo hadii ay ku caddaato xilka waa laga qaadi karaa, laakiin aqlabiyad hal dheeri ahi wax ka badan baa loo baahanyahay.
“Aad bay u adagtahay in aqlabiyad Aqalka Senate-ku Madaxweyne Trump ugu caddeeyo dembi, maadaama oo Jamhuurigu aqlabiyadda haysto, shardiguna yahay in aqlabiyad buuxda dembigaa lagu helo.” Ayuu yidhi Professor Turley.
Laba madaxweyne oo keliya ayaa abid lagu soo oogay dacwad xil ka xayuubin ah, Andrew Johnson 1868 iyo Bill Clinton 1998 laakiin labadoodaba Aqalka Senate-ka ayaa ku waayey eedihii lagu oogay.
“Waxaan rumaysanahay in ujeedada xubnaha Congress-ka qaarkood tahay oo kaliya difaacidda sarraynta sharciga oo dulucdoodu tahay in aan qofna ka sarrayn sharciga xataa madaxweynaha na dhahoo.” Ayey tidhi borofessor Kimberly Nalder, oo ah khabiir ku xeel dheer siyaasadda Maraykanka jaamacadda California State University.

“Markaa hadii aan wax falcelin ahi ka iman Congress-ka waxay arintaasi noqon doontaa mid madaxweynaha iyo madaxweyneyaasha mustaqbalka dabarka uga furaysa in ay ku tuntaan dastuurka.” Ayey intaa ku dartay.

Markii ay shaacisay in baadhintaanka dacwadda xil ka xayuubinta la bilaabayo, ayaa Af-hayeenka golaha, Nancy Pelosi, ku dhawaaqday in “aan qofna ka sarrayn sharciga” sidaa awgeedna ay tahay in Trump ” lagula xisaabtamo” falalkiisa.

Mabaadi’daas ayaa keligood keenaya in lagu dhiirrado arintan xataa hadii ay suurto galnimadeedu adagtay oo aanay meel mari karin.durba wuu bilaabay ololihiisa uu ku doonayo in mar labaad lagu doorto doorashada dhici doonta 3 Noofember 2020.Wuxuu si rasmi ah ololihiisa ugu bilaabay18 June xaflad ay magaalada Orlando ee gobolka Florida kaga qayb galeen kumanaan qof.In uu haatan dagaal cusub u galo siduu uga hortagi lahaa xil ka xayuubin lagu soo oogaa waxay dhantaalaysaa dedaalka uu ku jiro waxaana suurto gal ah inay dhaawac gaadhsiiso ololihiis dib u doorashada uu ku doonayo.

Qoraallada madaxweynuhu ku baahiyo Twitter-ka ayaa muujinaya in uu wakhti badan ku bixiyo sidii uu isaga difaaci lahaa eedaynta.Laakiin dad badan oo siyaasadda lafa guraa waxay qabaan in ay arintani sidoo kale muujinayso in dedaalka Dimuqraadigu ugu jiraan in ay isaga ku soo oogaan xil ka xayuubin ay ka indho saabayso arimo kale oo midhan dhal noqon kara oo ay Trump kaga gar heli karaan.

Wargeyska Warsugan Media Group
Hargeysa/Somaliland