Chelsea oo cabsi wayn soo wajahday ka hor kulanka berito ee Arsenal ….(Maxaa soo kordhay?)

0
413

Hogaamiyayaasha Premier League ee Chelsea ayaa cabsi wayn soo wajahday ka hor kulanka wayn ay beri ku marti galin doonaan kooxda Arsenal.

David Luiz iyo Eden Hazard ayaa dhaawac ku seegi kara kulanka beri ka dhacaya Stamford Bridge.

Daafaca reer Brazil ayaa dhawaanahanaba ku ciyaarayay dhaawac jilibka ah halka Hazard uu isna ka sheeganayo dhaawac muruqa ah.

Image result for David Luiz and Eden Hazard Injury

“Waqti ayaan dareemayay jilibkeyga, waxaan ku ciyaarayay waxyeelo yar, laakiin waa wax qeyb ka ah kubbada cagta,” David Luiz ayaa sidaa yiri isagoo qirtay dhaawiciisa kaddib kulankii Liverpool.

“Waa caadi, waan la tacaali doonaa iminka nasiino ayaana u sameyn doonaa kulanka sabtiga.”.

David Luiz ayaa xanuun ku ciyaarayay tan iyo sidii uu sida xun ugu jilaafeeyay Sergio Aguero bishii December iyadoo kulankaa kaarka cas loo taagay dhaliyaha Man City.

Luiz has suffered from knee trouble since this incident in December

Eden Hazard ayaa isna dhaawac ka soo gaaray kulankii Leicester City waana la badelay kulankaa, waxaa sidoo kale la badelay kulankii Hull City iyo waliba kulankii ugu dambeeyay ee Liverpool.

Xiddiga reer Belgium ayaa tababarka la qaatay shaxda kooxda arbacadii laakiin waa la indho indheyn doonaa xaaladiisa kulanka berito ee Arsenal.

Eden Hazard scored against Leicester but was hurt later in the game