Ciidamada Booliska dalka Jarmalka ayaa waabarigii saaka bilaabay weeraro ka dhan ah masaajidda, guryaha iyo xafiisyada ee toban ka mid ah gobalada dalkaasi , iyada oo dawladda ay mamnuucday koox lagu eedeeyay inay isku dayeen in ay u qoraan dagaalyahano kooxda ISIS, sida ay sheegtay wasaarada arimaha gudaha dalkaasi. Afhayeenka wasaaradda ayaa tilmaamay in ururka DWR ‘True Religion’ Diinta Runta’ ay yihiin shabakad abaabulan oo la shaqeysa xarakada ISIS, inkasta oo uu sheegay inaysan jirin cadayn muujineysa inay gaar ahaan qorsheeynayeen weerarro . Wasiirka Arrimaha Gudaha Thomas de Maiziere ayaa rumeysan in kooxdu ay jebiyeen dastuurka dalka iyo in ay huriyeen nacayb. Ma jirin ilaa haatan wax hadal deg deg ah oo kasoo baxay kooxda la eedeeyay.

0
381
German special police leave a house in Bonn November 15, 2016. REUTERS/Pawel Kopczynski

Ciidamada Booliska dalka Jarmalka ayaa waabarigii saaka bilaabay weeraro ka dhan ah masaajidda, guryaha iyo xafiisyada ee toban ka mid ah gobalada dalkaasi , iyada oo dawladda ay mamnuucday koox lagu eedeeyay inay isku dayeen in ay u qoraan dagaalyahano kooxda ISIS, sida ay sheegtay wasaarada arimaha gudaha dalkaasi.
Afhayeenka wasaaradda ayaa tilmaamay in ururka DWR ‘True Religion’ Diinta Runta’ ay yihiin shabakad abaabulan oo la shaqeysa xarakada ISIS, inkasta oo uu sheegay inaysan jirin cadayn muujineysa inay gaar ahaan qorsheeynayeen weerarro .
Wasiirka Arrimaha Gudaha Thomas de Maiziere ayaa rumeysan in kooxdu ay jebiyeen dastuurka dalka iyo in ay huriyeen nacayb.
Ma jirin ilaa haatan wax hadal deg deg ah oo kasoo baxay kooxda la eedeeyay.