telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Ciidammada Ammaanka Somaliland Oo Xidhay Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

January 6, 2019 (WMG-Hargeysa)-Ciidammada ammaanka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo ka mid ah hal-abuurada da’ada yar ee reer Somaliland.

Ma jiro warar faah-faahsan oo ka soo baxay xadhiga Siciid Maxamuud Gahayr balse warar aanu helay ayaa waxa ay sheegayaan in loo xidhay qoraalo uu ku faafiyay barta uu ku leeyahay bartiisa Facebook-ga.This image has an empty alt attribute; its file name is Siciid.png

Maaha markii ugu horraysay ee la xidho Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr balse waxa jiray marar hore oo la xidhay iyada oo lagu soo eedeeyay qoraalo faafiyay.

Ciidammada boolisku wali kama hadal sababta rasmiga ah loo xidhay Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.

86 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins