Ciidanka Dab-demiska Caasimada Oo Hawl-galo Ballaadhan Ka Geystay Waxyeeladii Uu Keenay Roobkii Duufaanta Watay Ee Ka Da’ay Magaalada Hargeysa

0
383

Ciidanka Dab-demiska Caasimada Oo Hawl-galo Ballaadhan Ka Geystay Waxyeeladii Uu Keenay Roobkii Duufaanta Watay Ee Ka Da’ay Magaalada Hargeysa.

 Hargeysa(Warsugannews)-Ciidanka Dab-demiska Caasimada ayaa hawl galo ballaadhan ka geystay waxyeeladii uu keenay roobkii duufaanta watay ee ka da’ay magaalada hargeysa,

Waxaana ugu horayn habeenimadii ay ciidanku hawl gal ballaadhan ka sameeyeen magaalada iyagoo markiiba badbaadiyay nin uu qaaday daad iyagoo u tuuray xadhko isla goobtaasina ku badbaadiyay,sidoo kale ciidanku wuxuu isla habeenkaasi heegan ugu jiray sidii wax loogu qaban lahaa dadka tabaalaysan ee roobabku waxyeelada soo gaadhsiiyeen ee ku nool caasimada.

Waxaana ugu horayn habeenimadii ay ciidanku hawl gal ballaadhan ka sameeyeen magaalada iyagoo markiiba badbaadiyay nin uu qaaday daad iyagoo u tuuray xadhko isla goobtaasina ku badbaadiyay,sidoo kale ciidanku wuxuu isla habeenkaasi heegan ugu jiray sidii wax loogu qaban lahaa dadka tabaalaysan ee roobabk u waxyeelada soo gaadhsiiyeen ee ku nool caasimada.

Subaximadiina waxay ciidanka dabmemisku hawlgalo ballaadhan ka sameeyeen waddada halbawlaha ah ee madaxtooyada hormarta waxaana ugu horaynba ay hawl gal ballaadhan ka sameeyeen wasaarada caafimaadka ilaa iyo goobaha ku dhaw iyagoo dhamaan ciidanku wax ka qabtay waxyeeladii uu roobku u geystay goobahaasi.

Waxana hawlgalkaas aad uga dhex muuqday agaasimaha guud ee fulinta ciidanka dabdemiska qaranka cabdiqaadir cumar xaashi oo aan mar ka nasan hawshaasi.

Intaa kadib waxay Ciidanku tageen saylada magaalada hargeysa oo ka mid ahay goobihii waxyeelada uu u geystay roobku iyadoo markiiba hawlgal ballaadhan ka fuliyeen goobtaas waxaana ciidanku dhamaan uruuriyay jiingadihii iyo waxyaabihii kale ee roobku baabiiyay iyagoo meel dhamaantood iskugu geeyay qalbakii.

Ugu dambayn waxay ciidanku soo mareen xaafada caasimada iyagoo dhamaan dhirtii iyo waxyeeladii kale ee uu geystay roobku wax kala qabtay.