Ciidanka Puntland oo Kaabiga ku haya degmada Qandala

0
579

 

{BOOSAASO }–WAR SUGAN C}iidamada Dowladda Puntland ayaa kaabiga ku haya degmada Qandala ee gobolka Bari oo muddo bilooyin ah gacanta ugu jirta maleeshiyaadka taabsacsan Daacish.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacays(Dhado) oo hoggaaminaya ciidamadan ayaa u sheegay Sahan Online iney ku sugan yihiin deegaanka lagu magacaabo Karin 1 oo qiyaastii Qandala u jirta 80 km.

Ciidamada Puntland ayaa la sheegayaa in qaarkood u ruqaansadeen deegaanka lagu magacaabo Afbashaashin oo u dhaxeysa Karin 1 iyo Qandala halkaasoo ay ku sugan yihiin maleeshiyo Daacish ah.

Isgaarsiinta degmada Qandala ayaa go’an taasoo ay jareen maleeshiyaadka Daacish ee haysta degmada,waxayna wadadu tahay mid raf iyo buuraley ah.

Qandala ayaa ah mid qadiimi ah, waxaana ay dhacdaa xeexbta badda cas, waxaana ay leedahay istraatiijiyad aad u wanaagsan oo dhanka badda ah.