Ciro Guddomiye & Madaxwayne Midna Inoo Anfici Maayee Musaaricada Ha Galo

0
372

Ciro Guddomiye & Madaxwayne Midna Inoo Anfici Maayee Musaaricada Ha Galo.
Qofkastaa oo aduuyadani ku nooli wuxuu leeyahay haygal uu u qalmo, Cabdiraxmaan Ciro waa gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland islamarkaana Golaha fadhiya 10-sano oo xaaraana waana ayaan darada haysata Golihii Sharci dejinta ee dalka, waxaan huubaala oo dadka Somaliland ka wada dheregsan yihiin.

Waxaa xaqiiqa ah oo aan bulshoow idiin sheegayaa shalay waad arkayseen oo cirro wuxuu feedh la dulmaray gudoomiye ku xigeenkiisii, ninkaa gudoomiyaha golaha wakiilada ah ee hanka madaxweyne lahi damiirkiisu wuxuu siin waayey dulqaadka, halkii laga doonayey horusocod wuxuu noqday dibu socod waanu ceeboobay Somaliland madax uma noqon karo waayo ninka maanta feedhtamayaa beri markuu awood madaxweyne yeesho muxuu samaynayaa ? Ciro Gudoomiye iyo Madaxwene midna inagu
anfici maayo wuxuu inagu anfacayaa inagoo aduunyada u iib geyna iuu yahay feedhyahankeena taasbaa laynagaga iibsanayaa oo aduunyadana kula tartami karnaa kagana qeyb geli karnaa feedhadhka aduunka.
Waa ceeb waana masuuliyad daro waa karaamo xumo in masuula oo masuulkii isaga ku xigay u gacan qaaday, waa wax ka dheer milgaha iyo sharafta qofka madaxdaa, waxaana ay muujinaysaa inuu ciro yahay qof aan han lahayn islamarkaana aanu qeexnayn yoolkiisa iyo hamigiisuba, intaasi waxaa kasii daran markii uu feedahy gudoomiyaha ceebta labaysaa waxay ahayd in xildhibaanadii xisbigiisa ka midka ahaa inay iyaguna dhankooda dhabarka ka garaacaan gudoomiye baashe maxamed faarax, sido kale waxa laga arkaayey shaashadaha qaarkmaida suxufiyiinta taageerta xisbiga ciro oo iyaguna dhankooda dagaalka gacan ka hadalkaa ka qeyb galay, Somaliland waa ceebtii ugu xumayd abid ka dhacda inuu masuul umadeed dagaalamo ay soo raacaan xildhibaanadiisii iyo warbaahintiisii ilaa darawalkiisii .
Ugu danbayntii bulshoow waxaan idiinku baaqayaa cod dheer waxaan idin leeyahay Ciro iyo Xisbigiisa wadaniba waxay wadaan waa qaran dumisnimo, sidaa ay maanta masuuliyiinta qaranka isugu qabanayaan ee aanay u kala hadhaynin ayey hadii ay dalka qabsadaana dalka u waalayaan o bulshada ugu kibrayaan inta aynu dhawnahay aynu isak qabano.
Cali Xasan
calixasan806@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here