Ciyaar Aad U Xiisa Badan Galabta Dhexmari Doont Tottenham vs Manchester City

0
406

Ciyaar Aad U Xiisa Badan Galabta Dhexmari Doont Tottenham vs Manchester City.

London(Warsugannews)-Tottenham Hotspur ayaa gurigeeda kusoo dhaweyn doonta Manchester City oo ah kooxda hogaanka u heysa horyaalka iyadoo waliba raadineysa guusheedii sadexaad oo xiriir ah, sidoo kalana City ayaa iyana dooneysa iney kasoo kabato guuldaradii todobaadkii hore kasoo gaartay West Ham kulan gurigeeda marti loogu ahaa.

Spurs-v-ManCity
Spurs waxey guul dirqi ah ka heleen Crystal Palace todobaadkii ugu dambeeyay balse wiilasha Pellegrini 2-1 waxaa ku suldaaray West Ham.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Tottenham Hotspur vs Manchester City
Tartanka: Premier League
Garoonka: White Hart Lane
Saacadda: 2:45 Duhurnimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Kooxda martida loo yahay ee Spurs waxa ka maqan Ryan Mason, Moussa Dembele iyo Nabil Bentalab kuwaas oo ka dhaawacan kooxda, mana ciyaari doonaan kulankaan, balse Alli iyo Eric Dier ayaa rajeynaya iney ciyaaraan kulankaan.
Kane ayaa filanaya inuu kusoo bilowdo inkastoo ay heyso abaar dhanka goolasha ah, sidoo kalana saxiixooda cusub Son ayaa isna filanaya inuu kusoo bilowdo inkastoo uu sadex gool ku dhaliyay laba kulan.
Dhanka kale Kompany ayaa kusoo laabtay tababarka Manchester City waxeyna la micno tahay inuu ciyaari doono kulankaan waxaana keyd gali doona midkood Mangala iyo Otamendi.
David Silva ayaa sidoo kale kulankaan seegi doona kaas oo aan wali kasoo kaban dhaawacii uu qabay, iyadoo Navas uu wali baaqi sii ahaan doono.
Zabaleta iyo Nasri ayaa la rajeynayaa iney kooxda kusoo laabtaan, balse Bacary Sagna ayaa sii wadi doona inuu ciyaaro daafaca midig.
MA OGTAHAY:
Kulankii lugta koowaad ee horyaalka xili ciyaareedkii 2013-2014 ee dhacay November wuxuu kusoo dhamaaday 6-0 oo ay guusha ku raacday Citizens, 13-kubad ayey goosha ku aadiyeen Spurs, halka City ay 15-jeer goosha kubad la beegsadeen.
Tottenham Hotspur kaliya afar dhibcood ayey ka heshay todobadii oo ugu dambeysay oo ay horyaalka ku wajahday Manchester City, sidoo kale afartii kulan ee ka horeysay kulamadaan dhamaan guul ayey ka heshay.
Edin Dzeko ayaa dhaliyay shan gool, shan kulan oo uu ka hor yimid kooxda Tottenham Hotspur waana xidiga ugu badan ee sidaas sameeyay kulamada horyaalka.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
TOTTENHAM:
Lloris; Walker, Alderweireld, Vertonghen, Davies; Alli, Dier; Lamela, Son, Chadli; Kane
MAN CITY:
Hart; Sagna, Kompany, Otamendi, Kolarov; Fernandinho, Toure; Sterling, De Bruyne, Navas; Aguero

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here