Ciyaaraha Gobollada oo Jigjiga ka bilaabmay

0
748

Ciyaaraha Gobollada oo Jigjiga ka bilaabmay

Jigjiga(Warsugannews) Magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ka bilowday tartammo dhinaca ciyaaraha kubadda cagta, orodada, laliska iyo bootinta ka kooban.Ciyaaraha Gobollada oo Jigjiga ka bilaabmay

Tartamadan ayaa waxaa ka qayb qaadanaya in ka badan 500 oo ciyaaryahan oo deegaanka oo dhan laga soo kala xulay.

Ujeedada tartamada noocan ah ayaa lagu sheegay sidii loo heli lahaa dhalinyaro gobolka ku matasha heer qaran iyo sidii ay bulshadu isu dhex geli lahayd.

Wasiirka Ciyaaraha dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo xafladii furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in artankani kaga duwanyahay tartamadii ka horeeyey, waxyaabo badan sida dhinaca abaabulka iyo xulashada kooxaha oo isreeb reeb lagu soo xushay. Waxaa kale oo uu wasiirku balan qaday in taratankan midka ka danbeeya lagu ciyaari doono garoon roog ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here