Ciyaarta Beri Khamiista Ee Kooxdaha Xidigaha Geeska Iyo Saxafiyiinta Oo Ku Kala Calaf Qaadaya Hargeysa Stadium

0
328

Ciyaarta Beri Khamiista Ee Kooxdaha Xidigaha Geeska Iyo Saxafiyiinta Oo Ku Kala Calaf Qaadaya Hargeysa Stadium

Hargeysa(WSN)Xidigaha Geeska Iyo Saxaafada Ayaa Ku Balansan maanta (Beri Khamiista) oo Khamiis ah Gaaroonka Wayn Ee Hargeysa Stadium Kulan Qaadhaan Loogu Ururinayo Dadka Abaaruhu Saameeyeen. Hadaba Waxaa Kulankaasi Kahor Ay Hawada Isku Mariyeen Goolaaftan, Iyo Cartan, maalmihii u danbeeyey haystay warbaahinta iyo baraha bulshada iyagoo labada dhinacba qaba tababaro kala duwan, ayaa maanta la filayaa in gelin horeba la soo buux dhaafiyo garoonka, waxaana loo dhegtaagayaa ciyaar yahanada ugu cad-cadaan doona haday noqoto saxaafada iyo haday noqoto Xidigaha geeska oo labadooda laga daawado uun muraayada balse aan la arag iyagoo ku lebisan dirayska Kooxaha kubada cagta. Ciyaartan oo ah mid ay saxaafada iyo xidigaha geesku ku muujinayaan dareenkooda binu-aadanimo iyo inay qayb ka qaadan karaan xaalada baahsan ee abaaraha dalka ku habsaday, iyagoo lacagta garoonka ka soo baxda ugu deeqi dadka tabaalaysan, shacbigana waxay ka codsanayaan in aanay maalinta la baaqan 8,000 kun ee shilin Somalilandka ah ee garoonka lagu gelayo si ay wax ugu tarto dadka iyo duunyada abaartu riiqday