Colaadaha dunida iyo danaha reer Galbeedka: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

0
736

Colaadaha dunida iyo danaha reer Galbeedka: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

Taariikhda aadamiga oo dhan, dadyowgu weligood sida ay u ka la awood roon yihiin ayay isu faragelin jireen, isu layn jireen, isuna qabsan jireen. Taasi waa wax ka mid ah abuur bahalnimo ah oo dadka ku jirta, taas oo ah ”anigu aan noolaado ee adigu dhimo”, waana qayb dadqalnimada ka mid ah. Iyada oo ay sidaa tahay ayuu dadku intaa korayaa anshax ahaan iyo ilbaxnimo ahaanba, taana waxaa la koraya ka bixidda dhaqanka bahalnimada ah. Koritaankaa kumannaanka sannadood soo socday maanta bulshooyinka dunida wax ay gaadhsiisay in ay dhigtaan xeerar iyo heshiisyo la gu doonayo in nabad la gu wada noolaado. Guul iyo horumar weyn baa taa la ga gaadhay marka loo eego taariikhdii madoobayd ee la soo maray.

Maanta dalal aad u awood bada baa dunida nabad ku la nool kuwo aad u itaal daran oo saacado la gu liqi kari lahaa. Intaas uun ma aha ee dadyowgu waa ay is caawiyaan oo qolada macaluul, cudur faafa, ama masiibo kale ku dhacdo waa loo gurmadaa. Waxaa la xarrimay in la is gumaado, in la is qabsado, in la is addoonsado, in diimaha la gu ka la duwan yahay la is ku dirqiyo iwm. Waxaa la samaystay golayaal caalami ah oo loo qoondeeyay in la gu wada tashado muranka dadyowgana la gu xalliyo. Si walba haddii loo eego aad baa loo gu horumaray wada noolshaanha.

Iyada oo ay sidaa tahay, dhanka kale waxaa iyaduna xaqiiqo ah in weli aad loo ga fog yahay himilada weyn ee khayrka qabta ee ah ku wada noolaanta duni nabdoon oo badhaadhe leh. Sidaa hore aad ha loo dhaamo, waxaa se weli gacanta sare leh is muquuninta iyo falsafadda ah “anigu aan noolaado ee adigu dhimo”. Maanta dunida waxaa ka socda dagaallo, dhimasho, barakac iyo burbur, waxaa u sal ah bahalnimadii oo dadku ka wada xuubsiiban kari la yahay. Bulshada xoogga weyni xeerarkii iyo heshiisyadii la dhigtay wax ay dhawrtaa kolka ay iyada doonto oo keliya, waxaana la gu fuliyaa cidda la doono ee la ga awoodda badan yahay oo qudha. Sidaa darteed xeerarka iyo wacadyada la wada dhigtay haddii ay ninka xoogga weyn dantiisa noqon waayaan waxba ma taraan.

Haddaba waxaa la odhan karaa bulshooyinka dunidu maanta xagga awoodda (ku dhaqanka xeerarka caalamiga ah) waa saddex heer. Heerka kowaad waa dalalka awoodda badan, heerka labaad waa kuwo leh waxoogaa itaal ah oo la ga ga haybaysto, qolada saddexaadna waa kuwo taag daran. Awoodduna u gu horrayn waa cududda ciidanka iyo horumarsanaanta farsamada hubka. Dawladaha heerka kowaad waxa qudha ee ay xeeriyaan ama ka waabtaan waa dalalka kale ee ay isu awoodda dhow yihiin. Kuwaasi wax ay aad u gu dadaalaan in aanay iyagu dhexdooda is ku dhicin, haddii ay danahoodu is ka hor yimaaddaanna nabad iyo wada danaysi ayay ku ka la baxaan. Quwadahaasi in ay dhexdooda ka la badbaadaan waa dantii awalba la ga lahaa abuurista xeerarka iyo golayaasha caalamiga ah, sida Qaramada Midoobay iyo ururrada hoos yimaadda, taladaas oo asal ahaanba ka dhalatay dagaalladii waaweynaa ee loo bixiyay 1-aad iyo 2-aad. Sidaa darteed xeerarkaa iyo golayaashaa inta badan waxaa loo gu adeegaa ka la hagaajinta danaha quwadaha iyo meelmarintooda.

Haddii xeerku ahaa in aan la is gumaadin oo la is qabsan, maanta dawladaha waaweyni taa u ma hoggaansamaan, haddii aanay cudud hubaysan adeegsanna mid siyaasadeed ama dhaqaale ayay ku dagaallamaan. Habka u gu arxanka daran u guna argagaxa badan ee ay dawladahaasi ku dagaallamaan waa sidan soo socota. Bulsho ka mid ah bulshooyinka itaalka daran ayuu qalalaase siyaasadeed ka bilawdaa, dabadeed reer Galbeedku markiiba arrinka wax ay ka dhex eegaan dantooda qoomiyadeed iyo mabda’ooda, taas ayayna ku saleeyaan arrinka iyo waxa ay ka yeelayaan. Bulshadaasi haddii ay tahay mid ay xasilloonideeda danaynayaan, sabab uun, markiiba waxaa la soo saaraa go’aanno, si la yeelabana colaaddaa degdeg baa loo dhammeeyaa. libintaana abaalkeeda waxaa yeesha reer Galbeedka oo bani aadamnimada u naxay iyo hay’adihii caalamiga ahaa oo ujeedkii loo dhisay ku guulaystay. Maashaa Allaah! Haddii se bulshadaa la doonayo in ay jabot oo halliganto, waa la ga sii jeestaa u gu yaraan, ilaa ay dadkaasi is ku bas beelaan, ama xaabo iyo gaas baa la gu sii shubayaa u gu darraan.

Maxaa keena reer Galbeedku in ay bulshooyinka qaar ku eegaan burburka iyo baabba’a, amaba dabka ku shidaan, tusaale ahaan: Soomaaliya, Suuriya, Liibiya, Yaman, Ciraaq iqk? Xaqiiqadu wax ay tahay, waxaa jira (oo jiray) dadyow badan oo reer Galbeedku sabab uun u doonayaan in ay dumaan oo is ku dhex daataan, si xaaladda ay markaa ku sugan yihiin isu beddeshox. Ummadahaasi badanaa waa kuwo aan reer Galbeedku dhaqankooda jeclayn oo doonayaan in burbur bulsheed ku dhaco, si dhaqanka halkaa ka jiraa u furfurmo oo wax cusub loo dhex gashan karo. Tusaale ahaan Soomaaliya iyo Yamani wax ay wadaageen ku dhegganaanta diinta, halka ay Suuriya iyo Ciraaq ka soo baxeen talisyo leh qab iyo mabda’a Galbeed diid ah. Liibiyadii Qaddaafi labada xaaladood ayay isu gu dhafnayd. Taa beddelkeeda, Eeraan iyo W Kuuriya, oo ay ka jiraan aydoolajiyado reer Galbeed diid ah wax ay yeesheen awoodo la ga haybaystay. Markaa, soomaalidu wax ay ka mid tahay ummadaha ay inkaarta reer Galbeedku ku dhacday.

Xaaladda caynkaas ah sida qudha ee ay dunidu ka ga bixi karto, ee himilada nabad ku wada noolaanshaha loo gaadhi karaa, waa iyada oo ay dunida kaa soo baxaan quwado ka anshax duwan kuwa maanta jira, oo xitaa haddii aanay beddeli karin dheellitir u noqon kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here