(Daah-fur Hargeysa Loogu Sameeyey Buugga Miisaanka Maansada Ee GIBIL-XIDH Ee Uu qoray Prof. Carraale + Sawiro

0
643

(Daah-fur Hargeysa Loogu Sameeyey Buugga Miisaanka Maansada Ee GIBIL-XIDH Ee Uu qoray Prof. Carraale + Sawiro

Hargeysa(Warsugannews)Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay ayaa xalay lagu soo bandhigay buug la magac baxay “GIBIL-XIDH” oo ku saabsan miisaanka maansada Soomaaliyeed” oo uu qoray Pro. Cabdillaahi Diiriye Guuleed “Carraale”.
Xafladdaas oo ka dhacday hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay guddoomiyaha golaha wakiillada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Cirro, xildhibaano, abwaanno, qoraayo, aqoonyahano iyo martisharaf kale oo badan.
Ugu horrayn waxa dadkii goobta isugu yimi soo dhaweeyey bahdii qaban qaabada oo kala ahaa Xarunta akhriska Maxamed Mooge iyo Shirkadda daabacaadda SagalJet. Hoodo-Ayaan Suldaan Aadan Faarax oo ah guddoomiyaha xarunta Maxamed Mooge iyo Muna Axmed Cumar oo ku hadlaysay magaca shirkadda SagalJet,

labadubana waxay u mahad celiyeen dhammaan dadkii kasoo qayb galay barnaamijka.
Xildhibaan Mataan Hoorri ayaa ka sheekeeyey taariikh nololeedkii Prof. Cabdilaahi Diiriye Guuleed, oo uu ka warramay waxbarashadiisii, noloshiisii ilaa laga soo gaadhay qoraalkii uu buugga qoray. Wuxuu sheegay in Carraale ummada u soo bandhigay dhaxal ma guure ah.
Wuxuuna sheegay inuu Carraale muddo dheer ku hawlanaa qorista iyo dejinta buugga miisaanka maansada ee uu soo bandhigay. Wuxuuna dhalinyarada kula dardaarmay inay buugga ka faa’idaystaan.
Prof. Cabdilaahi Diiriye Guuleed “Carraale” oo ah qoraaga buugga “Gibil-Xidh” ayaa isaguna goobtaas hadal dheer oo qiimo badan ka jeediyay. Waxana uu sharraxaad ka bixiyay buuggan uu qoray. Waxa uu sheegay in 1970-kii markii uu jaamacadda lafoole galay loo dhigay shuruucda gabayga luqadda Ingiriisiga, taas ayaana ku dhiiri-galisay inuu baadhitaan ku sameeyo miisaanka suugaanta soomaalida. Waxana uu sheegay in 1975-kii uu bilaabay inuu baadho waxna ka qoro shuruucda suugaanta soomaalida oo uu isagu hindisay. Prof. Carraale ayaa tusaalayaal kasoo qaatay suugaanta soomaalida oo uu bulshada horteeda ku saaray miisaanka uu isagu diyaariyay.


Pro. Carraale ayaa sheegay inuu aqoontan Miisaanka maansada markii hore uu gorfeeyey, kadibna uu daah furay caawana uu gibil xidhayo oo aqoontaas uu dhamaystiray, waxana uu sheegay in qof kasta oo hawshaas diyaar u ah ay u furan tahay in falanqayn iy sii horumarin ba ay ku samayn karaan.
Cali Ileeye oo ah hal-abuur da’ yar isla markaasna suugaanta baadhitaan badan ku sameeyey ayaa soo bandhigay waxyaabihii uu kala kulmay intii uu akhriyayay buugga Carraale, sidoo kalana waxa uu codsiyo tiro badan u gudbiyay qoraaga buugga isoo ka codsaday in isaga iyo inta la jaalka ah ee aqoontaas baadhista iyo daba galka ugu jirta uu sharraxaad dheeraad ah ka siiyo, ugana faa’iideeyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa xeesha dheer.
Abwaan Maxamed Aadan Dacar ayaa isagu madasha si qurux badan ugu soo bandhigay waayihii ay soo mareen iyo wacdarihii ay soo wada mareen qoraaga. Abwaan Dacar ayaa ka dalbaday dhammaan dadkii meesha isugu yimi iyo cid kasta oo hadalkiisa maqashaba in ay dhiiri geliyaan dadka wax qoraya oo buugaagta ay qoraan la iibsado.
Macalin Axmed Maxamed Beddel oo ah bare luqadda soomaaliga ka dhiga jaamacadaha dalka ayaa si xeel dheer uga warramay sida luqadda soomaaligu ay ugu dulman tahay dhulkeedii, waxana uu macalinku ka dalbaday xukuumadda Soomalilaan in buuggan lagu daro manhajka wax barasho ee dalka.
Waxa isna madasha ka hadlay Siciid Sulub oo sheegay in buuggani yahay mid dhalinyarada wax badan tari doona oo aqoontaada soomaaliga dhisi doona. Wuxuuna aqoonyahan Prof. Carraale ku bogaadiyey tacabkan qoraalkan ee miisaanka maansada ee uu muddada dheer isku hawlayey.
Eng. Cabdisalaan Xuddur oo ka mid ah bahda tiknoolojiyadda ee Amazing Technology Group, ayaa sheegay inay qoraaga buugga u ballanqaadayaan inay buugga u samayn doonaan hab casriya oo dadku moobilada iyo koombuutarada loogu isticmaali doono.

Sawirada Quruxda Badan waxa inoo qaaday farshaxanka gacanta wacan Xamse Cali Xuseen Jeestaawi


Xildhibaan Maxamed Cumar Jiir ayaa isna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay buuggan miisaanka maansada ee uu qoray Prof. Carraale, isaga oo tilmaamay inuu aad iyo aad ugu tahniyadaynayo Caraale buuggan miisaanka maansada Soomaaliyeed ee uu qoray. Wuxuuna ku boorinaya inuu halkaa dadaalka ka sii wado oo aanu joojin.
Xasan Embassy oo isn halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Caraale uu macalinkiisii ahaa, iska markaana uu hore u baray miisaanka maansada. Wuxuu hoosta ka calaamadiyey in Carraale tacab taabbogal ah uu ummadda uga tegay.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo xafladda daahfurk soo gabagabeeyey, ayaa sheegay in buuggan uu qoray Prof. Carraale uu noqon doono dhaxal ay adeegsan doonaan dadka afka Soomaaliga ku hadla. Wuxuu Prof. Carraale ku ammaanay inuu dadaal ku bixiyey wax anfacaya. Isagoo guddoomiyuhu halkaa kaga dhawaaqay inay xisbi ahaan iibsadeen konton buug ah