Daahir Rayaale Oo La Sheegay Inuu Baajiyey Safar Uu Dalka Ku Imanayey Doorashadda Ka Hor Xili La Filayey Inuu Xoojiyo Xisbiga Waddani

0
400

Daahir Rayaale Oo La Sheegay Inuu Baajiyey Safar Uu Dalka Ku Imanayey Doorashadda Ka Hor Xili La Filayey Inuu Xoojiyo Xisbiga Waddani

Arrintan Ayaa Ku Soo Beegmaysa Xili Labada Xisbi Ee KULMIYE Iyo WADDANI Ay Si Wayn Ugu Hirdamayaan Kasbashada Codbixiyayaasha Awdal

Hargeisa (Warsugan) – Madaxwaynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sheegay inuu gabi ahaanba joojiyey safar u qorshaysnaa inuu dalka ku yimaado doorashadda ka hor, kaas oo maalmihii u dambeeyey la filayey inuu dalka soo gaadho.
Sida ay ilo-wareedo xogagaal ahi Wargeyska Warsugan u tibaaxeen Musdambeedka xisbiga Waddani ayaa bishii ugu danbeeyey culays ku saarayey Mr Rayaale inuu dalka yimaado, kaas oo dadaalada yeedhmadiisu dhawr marxaladood soo martay isla markaana aakhirkiina sida xogahaasi tilmaameen culays badan ka dib lagu qanciyey inuu dalka yimaado si uu u xoojiyo xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo aad u quudaraynayey inuu ka mid noqdo Xisbiyanadiisa.

Inkasta oo aanu meelna ka shaacinin Madaxwaynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin inuu miisaankiisa iyo saamayntiisa siyaasadeed-ba uu ku xoojindoono Waddani hadana waxa jiray warar ilo kala duwan kasoo baxayey mudooyinkii u danbeeyey oo sheegayey inuu ka dhex-hilaaci doono xisbigaasi.

Sidoo kale Madaxwaynihii hore ee dalka Mr Rayaale oo isagu ah imika xubin sharaf ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa isagu sida ay ilo-wareedada Warsugan helay tibaaxeen wada-tashiyo badan ka dib isku qanciyey inaanu saddexda xisbi qaran mid ka mid ah xoojin maadaama oo laba todobaad wax ka yari ay ka hadhsan yihiin doorashaddii madaxtooyadda Somaliland oo la filay inay dalka ka qabsoonto 13-ka bisha November ee barri kawda ah.

Isku soo wada duuboo arrimahan ayaa ku soo beegmaya xili labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI uu loolan adagi ku dhexmarayo gobolka Awdal, taas oo u muuqata inuu xisbul-xaakimka Kulmiye uu mihiimad wayn siiyey sidii uu u kasban lahaa taageerayaasha ugu badan ee gobolka Awdal, taas oo sababtay inuu xisbiga Waddani raadiyo masuuliyiin gobolkaas kasoo jeeda oo saamayn ku leh siyaasadda wadanka ta gobolkaba, taas oo keentay in Musdanbeedka Xisbiga Waddani sahamiyaan in Daahir Rayaale oo wakhtigan degan dalka Faransiiska loo yeedho.
Wargeyska Warsugan
Cadadkiisi maanta 31.10.2017